Home Dhacdooyin Al Shabaab oo tii dheereed ay ka raacday deegaanka Wargaadhi

Al Shabaab oo tii dheereed ay ka raacday deegaanka Wargaadhi

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta lagu jebiyay dagaal ka dhacay deegaanka Wargaadhi oo hoostaga Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Maleeshiyada ayaa saaka weerar qorsheysan oo qaraxyo ku bilowday ku soo qaadday deegaankaasi, iyadoona Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ay bilowgiiba isaga baxeen deegaankaasi.

Ciidamada ayaa wax yar ka dib ku soo rogaalcelyay deegaankaasi oo Shabaabku ay gudaha ugu jiraan, iyagoona dagaal culus kula galay maleeshiyadaasi.

Wararka ayaa sheegaya intii uu dagaalku socday in xagga cirka laga garaacay maleeshiyada, waxayna tanina ay culeyska ku sii kordhisay maleeshiyada oo cagaha dhulka ku xijin weyday deegaanka.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa si dhakhsa ah dib ugu la wareegay gacan ku haynta deegaanka Wargaadhi.

Shabaab ayaa isaga cararay Wargaadhi iyagoo kooreysan amaba kalareysan, mana ahayn wax ay ku soo talagaleen.

Shabaabka ayuu qorshahoodu ahaa in ay sii haysan doonaan deegaankaasi, si la mid ah dhulkii ay muddooyinkanba ka qabsanayeen bariga deegaanada Hirshabelle.

Warbaahinta ayaa ogaatay in maleeshiyada Shabaabka ay aadeen jihada deegaanka Towfiiq, halkaas oo weerarka ay ka soo qaadeen.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa sheegay in ciidamadu ay si weyn isaga caabiyeen Shabaabkii soo weeraray Wargaadhi.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadu ay khasaare lixaad leh u gaysteen kooxaha argagixisada, isla-markaana ay dileen inta badan kooxihii gudaha u soo galay deegaankaasi.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in mar kale la duqeeyay firxadkii Shabaabka, kuwaas oo sida uu sheegay la sugay inaysan dhammaantood wada baxsan.

Saraakiisha Militariga ayaa sheegaya in wixii maanta ka dhacay Wargaadhi ka dib ay Shabaabka guur-guura ee weerarada gaysanaya ay miyirsan doonaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii Sabtida la kulmay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa faray in marka hore ciidamadu ay xakameeyan weerarada ay Shabaabku dhulka cusub kaga qabsanayaan deegaanada bari ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ka hor inta aan dib looga riixin deegaanadii ay dhawaan qabsadeen, sidoo kalena aan laga saarin galbeedka gobolkaasi.

Ciidamada oo dhulkii ay haysteen si adag u difaacda ayaa sahli doonta in dhulka maqana ay xoreeyaan, inkastoo ciidamada ay haddaba meelaha qaarkood ka wadaan weeraro ay dib ugu qabsanayaan goobihii qaar ee laga qabsaday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc