Home Wararka Maanta Hoobiyeyaal lagu garaacay Baydhabo oo dhibaato ka soo gaartay dad isku qoys ahaa

Hoobiyeyaal lagu garaacay Baydhabo oo dhibaato ka soo gaartay dad isku qoys ahaa

by Laacib

Dad isku qoys ahaa ayay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay hoobiyeyaal saqdii dhexe ee dhexe maleeshiyada Al Shabaab ku garaaceen Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Inta la ogyahay hooyo iyo wiil ay dhashay ayaa ku dhintay hoobiye ku dhacay hoygooda oo ku yaala xaafadda Wadajir ee magaaladaasi, halka afar carruur oo kale oo qoyskaasi ka mid ahaana ay ku dhaawacmeen.

Carruurtan walaalaha ah oo ay ku jiraan kuwo qaba dhaawacyo culus ayaa xaaladdooda lagu la tacaalaya Isbitaal Goboleedka Baay ee Magaalada Baydhabo.

Hoobiyahan ayaa sidoo kale burbur u gaystay hoyga qoyskaasi oo jiingad ka sameysnaa.

Dadka reer Baydhabo oo ka walaacsan masiibada ku dhacday qoyskaasi ayaa saaka isugu soo baxay afaafka hore ee hoygii ay deganaayeen, si ay murugada ula qaybsadaan xubnaha kale ee qoyska iyo weliba ehelada dadkaasi.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Koonfur Galbeed, Shamso Maxamed Yarow, Gudoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamanka Koonfur Galbeed, Bishaaro Cali Nuur iyo xubno kale ayaa isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay hoobiyeyaashii xalay.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu eedeeyay maleeshiyada Al Shabaab in ay dhibaateeyeen shacab aan waxba galabsan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc