Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka hadlay sababta ay Puntland uga maqan tahay Shirarka Golaha Wadatashiga Qaran, oo aanu ka Madaxweyne ahaan ka qaybgelin 7-dii shir ee ugu dambeysay ee goluhu uu yeeshay.
Madaxweynaha ayaa muujiyay in Puntland aysan ka qaybgeli doonin wax shir oo dambe, oo ay isugu imanayaan Golaha Wadatashiga Qaran, illaa dib looga soo laabanayo wixii horey loogu heshiiyay, oo ay ugu horreyso ku dhaqanka dastuurka, waana xilli Mdaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu 11-kii bishan shir wadatashi isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran, oo ah madal ay ku kulmaan Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkan ayaana la muddeeyay in uu qabsoomi doono 1-da illaa 2-da bisha May, inkastoo aan la caddeyn goobta amaba magaalada uu ka qabsoomi doono.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegaya inaanan cadowga laga adkaan doonin, haddii aysan dadka Soomaaliyeed qeexin, isla-markaana aysan ixtiraamin waxa ay heshiiska ku yihiin.
Hoggaamiyaha Puntland ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku booriyay in uu ka dhabeeyo gogoshii uu fidiyay habeenkii 1aad ee ciidda, ee uu isugu yeeray danleyda siyaasadda dalka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, si loogu midoobo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed wuxuu maalintii ciidda uu ku dhawaaqay inuu gogol u fidinayo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee saamileyda ka ah ama saamaynta ku leh bulshada Soomaaliyeed. Madaxweynaha waxaan ka codsanayaa inuu arrintaa ka dhabeeyo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan kaloo cod dheer ku sheegayaa Puntland muddadii ay ka maqneyd Golaha Wadatashiga Qaran waxaa saldhig u ahaa, iyadoo laga weecday dastuurkii heshiiska lagu ahaa oo dadka Puntland damaanadda u qaadayay noloshooda iyo mustaqbalkooda, dadka Soomaaliyeed-na damaanadda u qaadayay.”
Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri “Waxaan ku celinaynaa arrinta dastuurka ee sida guracan loo waday in dib looga noqdo oo dib looga fiirsado. Meesha keliya ay Soomaali ku mideysan tahay ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya waxaan halkan farriin uga dirayaa inay dib u eegaan maalmihii adkaa ay soo mareen, inay horey u fiiriyaan mustaqbalka dadka Soomaaliyeed iyo inay ilaaliyaan wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.”
Madaxweyne Deni ayaa Guddoonka Baarlamaanka Fedraalka ugu baaqay “Guddoonka Baarlamaanka waxaan halkan uga soo jeedinayaa masuuliyaddiisu waa isku haynta bulshada Soomaaliyeed, dadka metelo oo ah Goleyaasha Wakiilada. Si guracan xeerar loo ansixiyay dadkani ma aqbali doonaan. Waxay aqbalayaan oo keliya wada hadal, heshiis iyo goleyaal si sax ah waajibaadkooda u guta, haddaan taas la helin dadka Soomaaliyeed meel halis ah ayay ku socdaan.”
Deni ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku adkeeyay inuu garowsado, sidii loo sixi lahaa wixii khaldamay, loona xaqiijin lahaa in la helo midnimo qaran.
“Waxaan mar labaad ku baaqayaa oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ka codsanayaa inuusan arrintaasi ilduufin. Wixii tagey waa taggeen, Ilaahay baan khaldamin, bani’aadamku wax waa is tusiyaa, caano daatay dabadoodaa la qabtaa. Dalka Soomaaliyeed meesha hadda uu taagan yahay wuxuu u baahan yahay midnimo qaran. Si dadkeennu noo taageeraan ayaan u baahanahay midnimo qaran, haddaan dadkeennu na taageerin, caalamku wax na lama qaban karo, si caalamku wax na loola qabto waxaan u baahanahay inaan midnimada qaran ka shaqayno.” Ayuu yiri Deni.
Deni ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Puntland mar dhow iyo mar dheerba waxay diyaar u ahayd, kuna suntaneyd ilaalinta qaranimada Soomaaliyeed, wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in ay la dagaalanto cid kasta oo mujtamacaan cirdigiisa iyo sharaftiisa wax u dhimeysa, dooneysana inay afkaaro khaldan oo meelo kale laga soo waariday ay la timaado.”
Deni ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasabad uu tababar ugu soo xirayay dufcaddii 4aad ee Ciidanka PMPF oo ka dhacday Magaalada Boosaaso.