Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Sabtidii ku biiray hawlgalka dhowrkii cisho ee u dambeysay ay Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley kula dagaalamayeen maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan deegaanka Aboorey ee bariga Gobolka Hiiraan, iyadoo dhanka kalena uu weli dagaalku ka socdo deegaanka Yasooman oo ku dhow Aboorey.
Xoogaga Macawiisleyda ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii weerar ku qaaday maleeshiyada Shabaabka ee ku kala sugan deegaanada Aboorey iyo Yasooman oo hoostaga Magaalada Buuloburde.
Militariga ayaa ku biiray hawlgalka Aboorey, xilli Macawiisleyda ay kala jareen gurmadkii Shabaabka Aboorey iyo maleeshiyada kale ee 16-kii bishan qabsatay Yasooman. Aboorey iyo Yasooman ayaa ah laba deegaan oo deris ah.
Shabaabka ayaa galay dhulka buuraleyda ee Yasooman, saacado ka dib markii militariga iyo Macawiisleyda ay dib uga gurteen Aboorey, ka dib sideed maalmood oo maleeshiyadaasi ay kula dagaalamayeen.
Shabaabka ayaa u yimid deegaanka Yasooman, iyagoo raadinaya marin ay saadka u marsiiyaan maleeshiyadooda ku sugan Galmudug, waxaana uu qorshahoodu ahaa in ay la wareegaan waddada Yasooman ku xiriirisa Magaalooyinka Moqokori iyo Maxaas ee dhinaca kalena u furan bariga Gobolka Galgaduud.
Macawiisleyda iyo Shabaabka ayuu shalay dagaal xoogan ku dhex maray inta u dhaxeyso deegaanada Yasooman iyo Aboorey, waxaana jira warar sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab laga saaray buurihii ay maalmo ka hor galeen.
Shabaabka ayaa la soo sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay dhufeysyo ka qoteen dhulka ka hooseeya buuraha, isla-markaana ay iyaga iyo Macawiisleyda ku dagaalamayaan dhulka fidsan ee u dhaxeeya Yasooman iyo Aboorey.
Xoogaga Macawiisleyda ayaa dadaal ugu jira, sidii ay u soo afjari lahaayeen Shabaabka isku dayaya in ay halkaasi sii joogaan.
Odayaal iyo waxgarad deegaanka ah ayaa shalay dhiirigelin ugu tagey Macawiisleyda ku sugan jiidda Yasooman.
Macawiisleyda ayaa ah ciidan deegaanka oo loo abaabulay inay Ciidanka Xoogga Dalka ka taageeraan la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.