Puntland ayaa bilaabeysa hawlgal cusub oo ay ugu magac-dartay (Onkod), kaas oo ay sheegtay in ay kula dagaalameyso maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan Buuraleyda Calmadow ee Gobolka Bari.
Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Sabtidii ku dhawaaqay hawlgalka cusub ee laga bilaabi doono Buuraleyda Calmadow.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu socdo diyaargarowga wejiga afaraad ee hawlgalka, oo sida uu sheegay laga samayn doono Calmadow.
Ciidanka Puntland ayaa afartii bilood ee u dambeysay waday hawlgalka ciribtirka Daacish ee Hilaac, oo ahaa hawlgal Daacish looga sifeynayay Buuraleyda Calmiskaad ee gobolkaasi. Wejiga saddexaad ee hawlgalkan ayaana la sheegay in uu geba-gabo ku dhow yahay.
“Waxaa hadda lagu guda jiraa diyaargarowga wejiga afaraad oo Buurta Calmadow ah. Ka hor dhici maayo, laakiin Hilaac haddaan ka soo jeedsano Onkod baan furi doonnaa, haddii Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo aan sheegin waqtiga saxda ah ee uu bilaaban doono hawlgalka Onkod.
“Roobka Bari ka soo hilaacay buuraha Sanaag waa ku onkodi doonnaa, Ilaahay idinkiis. Arrintaas Ilaahay baan ka baryayaa inuu xaqiijiyo, dadka reer Puntland-na faanoole fari kama qodna, yaynaan is dhigan, gude iyo dibadba. Isku tashigaas ayaan horumar ku gaari karnaa.” Ayuu sii raaciyay Madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni ayaa 21-kii bishii December iclaamiyay guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish ee labada daraf kaga sugan Magaalada Boosaaso.
Taliska Ciidanka Puntland ayaa 31-kii December ku dhawaaqay in uu bilowday hawlgal lagu la dagaalamayo maleeshiyada Daacish, saacado yar uun ka dib, markii maleeshiyadaasi ay weerar xoogan ku qaadday saldhigga ay Ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaanka Dharjaale ee Gobolka Bari.
Puntland ayaan xilligaasi isku furin laba aag oo dagaal ah, waxayna hadaf ka dhigatay burburinta Daacish oo aad arkayso in guulo waaweyn ay ciidamadu ka gaarayaan. Ciidamada ayaa lagu ammaanay in ay si weyn u wiiqeen awooddii Daacishta Somaliya, waxa ayna iminka kula dagaalamayaan deegaano kooban oo maleeshiyada ay kaga harsan tahay Buuraleyda Calmiskaad.
Ciidanka Difaaca Puntland ayaa muddadii ay la dagaalamayeen Daacish aan wax weerar ah ku qaadin maleeshiyada Al Shabaab, taasoo ma laha keeni kartay in labada maleeshiyo ay is garabsadaan, inkastoo Shabaab iyo Daacish uu dagaal ka dhaxeeyo.
Daacishta Somaliya ayaa ka go’day Al Shabaab, waxaana la sheegaa in labada urur aysan is arki karin.
Madaxweyne Deni oo 27-kii bishii February jeediyay khudbad uu shacabka kula hadlayay ayaa wacad ku maray inaysan joojin doonin dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, illaa iyo inta laga xaqiijinayo deegaanada Puntland oo ka caagan argagixiso oo dhan.