Home Wararka Maanta Macawiisleyda iyo Shabaab oo dagaal culus uu ku dhex maray Gobolka Shabellaha Dhexe

Macawiisleyda iyo Shabaab oo dagaal culus uu ku dhex maray Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa xalay weerar xoogan ku qaaday deegaanka Tawakal oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidanka Difaaca Shacabka oo ka soo dhaqaaqay deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa beegsaday maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugneyd deegankaasi Tawakal.

Ciidanka ayaa la sheegay in iska caabin xoog badan ay kala kulmeen maleeshiyadaasi, saacado badana ay ku wada dagaalamayeen deegaankan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu ahaa mid si weyn looga dareemay deegaanka, isla-markaana aysan jirin cid hadda la ogyahay oo gacanta si buuxda ugu haysa deegaankaasi.

Ka dib markii uu dagaalku ka dhacay deegaanka ayay wararka sheegayaan in xaalad hubinti la’aan ah ay soo wajahday deegaankaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa sheegaya in Xoogaga Macawiisleyda ay weerareen goob uu sheegay inay isku uruursanayeen Shabaabka.

“Ciidamada Mujaahidiinta ee xaq u dirirka deegaanka ayaa weerar qorsheysan oo barakaysan ku qaaday deegaan hoostaga Degmada Aadan Yabaal oo lagu magacaabo Tawakal. Deegaankaas waxaa isku abaabulayay Khawaarijta Al Shabaab, halkaasna waxay ciidamada xaq u dirirka ah jab weyn ku gaarsiiyeen Khawaarijta.” Ayuu yiri Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay.

Dagaalka ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira oo labada dhinac kala gaaray, inkastoo aysan jirin cid sheegi karta inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha kala gaaray dhinacyadaasi.

Weerarka ayaa imanaya, xilli Shabaabku aysan u baran in xilli habeen ah lagu soo weeraro goobaha ay kaga sugan yihiin bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, inkastoo bishii hore ee March ay ciidamadu hawlgal gaar ah ka fuliyeen deegaanka Sumadaale oo hoostaga Degmada Cadale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc