Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay xiisadda u dhaxeyso Shabaab ee ka taagan Masaajid Cali Gaduud

Wararkii ugu dambeeyay xiisadda u dhaxeyso Shabaab ee ka taagan Masaajid Cali Gaduud

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maalintii labaad ay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ka taagan tahay xiisad u dhaxeyso maleeshiyaad ka wada tirsan kuwa Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay Axaddii dhexdooda ku dagaalameen deegaankaasi, oo ay dagaal culus kula wareegeen 26-kii bishii hore ee March.

Dadka deegaanka ayaa ogaaday in xiisaddan ay u dhaxeyso laba horjooge oo ka tirsan horjoogeyaasha Al Shabaab, ka dib markii uu midba midka kale ku eedeeyay in uu ka masuul yahay fashilka Khamiistii ka qabsaday weerarka ay maleeshiyadu ku qaadday deegaanka Wargaadhi oo 70km u jira Degmada Cadale ee gobolkaasi.

Shabaabka ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Wargaadhi, waxaana bilowgiiba isaga baxay ciidamada, inkastoo si dhakhsa ah ay weerar rogaalcelin ah dib ugu qabsadeen deegaankaasi. Shabaabka ayaana isaga cararay deegaanka, iyadoo ay xabad iyo duqaynba ku socoto.

Shabaabka ayaa Wargaadhi kala kulmay falcelintii ugu weyneyd ee ay kala kulmaan goobta dagaalka, intii ay labada biloodba weerarada is ballaarinta ka wadeen bariga gobolkaasi.

Dhanka kale Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Abuukar Macalin Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maleeshiyadu ay weli isku horfadhiso deegaanka Masaajid Cali Gaduud.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in xiisadda ay u dhaxeyso laba horjooge oo magacyadooda uu ku kala sheegay Cabdullle Cali Caraaye iyo Suleymaan.

“Dhagarqabeyaasha lagu kala magacaabo Cabdulle Cali Caraaye oo u dhashay Wargaadhi iyo Suleymaan oo u adeegaya Kaba Kutukade ayaa waxay ku murmeen masuuliyadda cidda qaadaneysa hawlgalkii fashilmay.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaaashaandhigga.

Yuusuf Ciise Kaba Kutukade waa Gudoomiyaha Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabellaha Dhexe.

Waa markii ugu horreysay oo la soo wariyo in Shabaabka dhexdooda ay ku dagaalamaan meel ka mid ah bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, tan iyo 20-kii bishii February, markaas oo culeys weyn ay soo saareen gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc