Home Dhacdooyin Mareykanka oo dad badan oo African ah ku laayay dalka Yemen

Mareykanka oo dad badan oo African ah ku laayay dalka Yemen

by Laacib

Dad fara-badan ayaa ku dhintay weerar xagga cirka ah oo Mareykanka uu ka fuliyay dalka Yemen, iyadoona ay isa soo tareyso tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay duqayntaasi.

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa Isniintan sheegay in 68 qof ay ku dhinteen, 47 kalena ay ku dhaawacmeen duqayn uu Mareykanku ku qaaday xarun lagu hayo muhaajiriinta Afrika oo ku taala Magaalada Sacda (Saada) ee waqooyiga dalkaasi.

Telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al Masirah ayaa sheegay in xarunta la beegsaday ay hoostagto Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah ee IOM iyo weliba Laanqeyrta Cas, weerarka lagu qaadayna uu yahay dembi dagaal.

Telefishinka ayaa baahiyay muuqaal muujinaya meydad iyo dhaawacyo laga soo daadgureynayo goobta la weeraray, waxaana uu telefishinku sheegay in dhaawacyada ay ku jiraan kuwo ay xaaladdoodu liidato.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaan weli wax war ah ka soo saarin weerarka loo gaystay xarunta lagu hayay muhaajiriinta.

Xaruntan ayaa lagu hayay 115 muhaajiriin ah, markii uu weerarku dhacayay, waana xarun si ku-meel-gaar ah loogu hayo muhaajiriin African ah oo intooda badan ka soo jeeda dalka Itoobiya iyo dalal kale oo Somaliya ay ka mid tahay, kuwaas oo Yemen u tegay, si ay uga sii gudbaan dalka Sacuudiga, iyagoo raadinaya fursad ay uga shaqeysan karaan dalkaasi.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Yemen, Ibraahim Cabdiqaadir Macalin ayaa sheegay in waaberigii saaka ay diyaaradaha Mareykanka weerareen xaruntaasi, oo dadka lagu hayayna ay Soomaali ka mid yihiin.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in xaruntaasi lagu xiro dadka laga soo qabto xuduudda Sacuudiga, halkaasna loogu hayo si ku-meel-gaar ah, inta looga celinayo dalalkooda.

Gudoomiyaha ayaa sheegaya in ay xogta ku hayaan in saddex illaa afar qof oo Soomaali ah ay ka mid ahaayeen dadkii goobta lagu hayay, xilligii ay duqaynta dhaceysay, balse ay dib Warbaahinta kala soo wadaagi doonaan, marka ay si sax ah u xaqiijiyaan tirada Soomaalida.

Illaa iyo hadda lama hayo wax caddeyn ah oo muujineysa in Soomaalidu ka badbaaday duqaynta cirka ee lagu qaaday xaruntaasi.

Duqayntan ayaa waxay timid saacado yar uun ka dib, markii Taliska Dhexe ee Militariga Mareykanka uu sheegay inay garaaceen in ka badan 800 oo bartilmaameed oo gudaha Yemen ah, tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu 15-kii bishii March amray in la ballaariyo duqaymaha ka dhanka ah Ururka Xuuthiyiinta.

Taliska ayaa sheegay in duqaymahaasi ay ku dileen boqolaal ka mid ah dagaal-yahanada iyo saraakiisha sarsare ee ururka reer Yemen. Xuuthiyiinta ayaa waxayse dhankooda sheegeen in Mareykanka ay duqaymahaasi ku dileen dad fara-badan oo rayid ah, isla-markaana uu yar yahay khasaaraha dhankooda ka soo gaaray.

Mareykanka ayaa muddooyinkan kordhiyay duqaymaha ay diyaaradihiisa dagaalka ka gaysanayaan dalkaasi, gaar ahaan dhulka ay Xuuthiyiintu maamulaan.

Waa weerarkii labaad ee ugu dhimashada badnaa ee Mareykanka uu ka gaysto dalkaasi. 18-kii bishan ayay ahayd markii Mareykanku uu weerarkii ugu dhimashada badnaa ka gaystay Dekedda Ras Isa ee Gobolka Hudaydah, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 80 qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 150 kale.

Xuuthiyiinta ayaa bishii hore dib u bilaabay weeraradii ay ku hayeen Israel iyo maraakiibta Israel & Mareykanka ee mareysa marin biyoodyada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ka gadaal markii Israel ay bartamihii bishaasi soo cusbooneysiisay weeraradeedii aan kala sooca lahayn ee Marinka Gaza.

Madaxweyne Trump ayaa wacad ku maray inay wiiqi doonaan Xuuthiyiinta, haddii aysan joojin gantaalada iyo diyaaradaha drones-ka ee ay ku weerarayaan gudaha Israel iyo maraakiibta ganacsiga ee ku gooshaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xuuthiyiintu waxay sheegeen inaysan joojin doonin weerarada ay garab istaaga ugu muujinayaan shacabka Falastiin, illaa iyo inta laga soo afjarayo colaadda Gaza, lana ogolaanayo in gargaarka uu si caadi ah u galo Marinka Gaza.

Xuuthiyiinta oo shacabka Yemen ay taageersan yihiin ayaa ah garabka keliya ee militari ee Bariga Dhexe ka jira, isla-markaana ka dhiidhinaya xasuuqa Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc