Home Wararka Maanta Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Galgaduud iyo Shabaab oo deegaano laga saaray

Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Galgaduud iyo Shabaab oo deegaano laga saaray

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa saaka weerar ku qaaday deegaano ay maleeshiyada Al Shabaab kaga sugnaayeen bariga Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa weerar ku ekeeyay deegaanada Cali Candhoole, Baraagta Shadoor iyo Baraagta Sheekh Cabdullaahi oo hoostaga Degmada Ceeldheer, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay dagaal kula wareegeen deegaanadaasi, isla-markaana ay dibadda uga saareen maleeshiyadii ku sugneyd.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay isku dayeen inay difaacdaan gacan ku haynta deegaanadaasi, ha yeeshee aanay u suurtagelin.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka ugu culus uu ka dhacay deegaanka Cali Candhoole oo ku dhow deegaanka Cowsweyne, oo Shabaabku ay ku leeyihiin dhufeysyo ay ka difaacayaan Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Saraakiisha Ciidamada ayaa laga soo xigtay in ay miino baaris iyo amni xaqiijin ka wadaan deegaanada laga kiciyay Al Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegaya in ay dhulkaasi ka wadaan hawlgal sifeyn ah, oo lagu hubinayo inaysan joogin wax argagixiso ah.

Deegaanada maanta laga saaray Al Shabaab ayay ciidamadu la wareegeen sanadkii 2023, inkastoo ay billo ka dib soo banneeyeen, taas oo keentay in Shabaabku ay dib ugu soo laabtaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc