Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Hirshabelle ayaa ku sugan duleedka deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabellaha Dhexe, xilli ay isku horfadhiyaan maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab.
Shabaabka ayaa isku horfadhiya deegaankaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen, ka dib markii la sheegay in khilaaf uu soo kala dhex galay laba horjooge oo ka tirsan Al Shabaab.
Isku dhaca Shabaabka dhexdooda ayaa xiisad ka abuurtay deegaankaasi, waxayna taasi dadka deegaanka qaarkood ku riixday in ay isaga barakacaan guryahooda.
Shacabka ayaa waxay ka baqdin qabaan in ay dhibane u noqdaan Shabaabka labada saf noqday ee ku dagaalamaya deegaankaasi, oo dagaal ay kula wareegeen 26-kii bishii March.
Dadka deegaanka ee barakacaya ayaa toddobaadyadii u dambeeyay dib ugu soo laabanayay guryahooda, ka dib markii ay ku barakaceen weerarkii ay Shabaabku daba-yaaqadii bishii hore ku soo qaadeen deegaankaasi, isla-markaana ay kula wareegeen gacan ku haynteeda.
Shabaabka isku horfadhiya deegaanka ayay xilli kasta suurtagal tahay in xabaddu ay ka dhex bilaabato.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa Isniintii sheegay in Masaajid Cali Gaduud ay ku dagaalamayaan laba ka mid horjoogeyaasha Al Shabaab, ka dib markii sida uu sheegay ay isku qabteen cidda qaadeysa masuuliyadda fashilka ay Khamiistii kala kulmeen weerarkii ay Shabaabku ku qaadeen deegaanka Wargaadhi oo hoostaga Degmada Cadale.
Afhayeenka ayaa sheegay in horjoogeyaashan oo lagu kala magacaabo Cabdulle Cali Caraaye iyo Suleymaan uu midkood u dhashay Wargaadhi, kan kalena uu u daacad yahay Yuusuf Ciise Kaba Kutukade, oo ah Gudoomiyaha Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamada Militariga iyo Daraawiishta Hirshabelle ayaan sidaasi uga fogeyn Masaajid Cali Gaduud, lamana oga inay ku dhaqaaqi doonaan iyo in kale.
Dadka qaar ayaa isweydiinaya, sababta ay ciidamadu uga faa’iideysan la’yihiin Shabaabka labada saf noqday ee isku haya deegaankaasi.
Ma cadda in gacan dibadda ah ay hurineyso xiisadda maleeshiyada, sida aan horey loogu arag gobolka isugu hayso deegaankan oo ku yaala goob istiraatiiji ah.
Ciidamada ayaa bishii October ee sanadkii 2022 la wareegay deegaankaasi, ka dib dagaal lagu riiqmay oo ay kula galeen Al Shabaab.
Shabaabka ayaa 20-kii bishii February bilaabay in ay soo kubaareeyaan dhulkii xorta ahaa ee bariga gobolkaasi, iyagoona qabsaday degmooyin iyo deegaano laga saaray laba sano horteed.
Inta la xusuusto, waa markii ugu horreysay oo Shabaabku ay ku dagaalamaan deegaan ay bil ka hor la wareegeen, aadna muhiim ugu ah, marka aad eegto meesha uu ku yaalo.
Ma badna in Shabaabka dhexdooda ay ku dagaalamaan dhulka ay kaga sugan yihiin Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.