Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ay dhibaato ka haysato Xildhibaanada

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ay dhibaato ka haysato Xildhibaanada

by Laacib

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa mar kale is hortaag kala kulmay Xildhibaanada diidan in uu shir guddoomiyo kulamada golahaasi, iyadoona kulankii maanta uu buuq ku soo dhammaaday.

Muddooyinkan ayaa waxay dood ka taagneyd dhabaha loo maray xil ka xayuuban lagu sameeyay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ka tirsan Xidlhibaanada Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa 15-kii bishii March soo saaray war uu ku sheegayo in xubinimadii golaha laga xayuubiyay Xildhibaanka ku fadhiyay kursiga HOP120, ka dib markii lagu eedeeyay inuu soo xaadiri waayay fadhiyada golahaasi.

Mudaneyaasha qaarkood ayaa si adag uga horyimid tallaabada xilka looga xayuubiyay Xildhibaan Abiib, oo ay ku sheegeen mid baalmarsan habraacii saxda ahaa ee golaha. Xildhibaanada ayaa dhawaan sheegay in illaa 100 Xildhibaan ay saxiixeen mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Xildhibaanadan ayaana ciriiri geliyay qabsoomidda kulamadii golaha.

Xafiiska Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa Talaadadii shalay soo saaray warqad uu ku sheegayay in arrinta kursiga HOP120 uu dib ugu celiyay Guddiga Xeer Hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa & Xasaanadda ee golohaas, si ay uga soo talabixiyaan, dibna golaha ugu soo celiyaan.

Xildhibaanada ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ku durayaan warqaddaasi, iyagoo markan ku andacoonaya in khalad ku jiro warqadda, maadaama uusan Gudoomiye Aadan Madoobe ka laaban tallaabadii uu xilka uga qaaday Xildhibaan Abiib.

Iyadoo aysan arrintan meel u dhicin ayuu Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo diyaargaroobay in uu shir guddoomiyo fadhigii maanta, waxaase is hortaagay Xildhibaanadii gadoodka waday.

Ciidamada amniga ee Xarunta Villa Hargeisa ee Golaha Shacabka ayaa isku dayay in ay xaaladda xakameeyaan, balse uma aysan suurtagelin.

Gudoomiyaha ayaa ku guuldareystay in uu shir guddoomiyo kulankaasi, ka dib buuq xoog leh oo hareeyay.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaana ugu dambayn goobta isaga tagey, iyadoo aanu qabsoomin fadhigii maanta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc