Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Dhulka oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Taliyaha oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb, waxaana ku soo dhaweeyay saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Dhagaweyne iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Dhulka uu Galmudug u tegay dardargelinta hawlgalka ka dhanka maleeshiyada Al Shabaab.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socdo dhaqdhaqaaq ay ciidamadu ka wadaan, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu xoreeyo deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan bariga gobolkaasi.

Socdaalka Taliyaha ayaa imanaya, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ay maanta dagaal kula wareegeen deegaano hoostaga Degmada Ceeldheer ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa Shabaab ka saaray deegaanada Cali Candhoole, Baraagta Shadoor iyo Baraagta Sheekh Cabdullaahi.

Shabaabka ayaa la sheegay inay si adag ugu dagaalameen deegaanka Cali Candhoole, isla-markaana ay ku guuldareysteen in ay difaacdaan.

Deegaankan ayaa ku dhow deegaanka Cowsweyne, oo ay Shabaabku ku leeyihiin dhufeysyo ay ka difaacayaan Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc