Home Dhacdooyin Puntland iyo Somaliland oo maxaabiis is dhaafsi sameeyay

Puntland iyo Somaliland oo maxaabiis is dhaafsi sameeyay

by Laacib

Somaliland iyo Puntland ayaa maanta isweydaarsaday tiro maxaabiis ah, oo ku dhawaad muddo laba sano ah ku xirnaa xabsiyada labada dhinac.

Puntland ayaa xabsiga ka sii deysay 15 maxbuus oo reer Somaliland ah, iyadoona ku bedelatay 11 maxbuus.

Maxaabiista Somaliland ayaa diyaarad lagu geeyay Magaalada Hargeysa, halka kuwa Puntand-na diyaarad looga dejiyay Magaalada Garoowe.

Maxaabiistan ayaa horey loogu kala qabsaday, intii uu socday dagaalka Magaalada Laascaanood.

Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka Puntland, Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa sheegay in ay 15 maxbuus ku wareejiyeen Somaliland, halka iyana ay ku soo wareejisay 11 maxbuus.

Wasiirka Caddaaladda ayaa tallaabadan waxa uu ku sheegay mid loo qaaday jihada nabadda, wada shaqaynta iyo iskaashiga bulsho.

“Waa arrin wanaagsan oo loo qaaday dhinaca nabadgelyada, wada shaqaynta iyo iskaashiga bulsho.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray “Annagu waxaan aaminsanahay dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin. Wixii amniga & nabadgelyada, ganacsiga iyo isu socodka bulshada in la hagaajiyo oo kor loo qaadana waa arrin wanaagsan.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa sheegay in iyadoo aysan cidina ku dhex jirin ay iyaga Somaliland is dhaafsadeen 26 maxbuus.

“Berri ayaa mar walba ka muhiimsan shalay. Waa xilligii la iska kaashan lahaa khataraha xagjirka iyo fursadaha.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.

Wasiirka Caddaaladda Somaliland, Yoonis Axmed Yoonis ayaa sheegay in maalmahaanba ay Puntland ka wada shaqeynayeen sii deynta maxaabiistaasi, balse ay maanta u suurtagashay in ay is dhaafsadaan.

Wasiirka ayaa sheegaya in maxaabiistooda ay soo gaareen Hargeysa, isla-markaana ay kuwa Puntland-na gaareen Garoowe.

“Maxaabiista ay Maamul Goboleedka Puntland soo daayeen waa 15 maxbuus, Dowladda Somaliland-na waxay sii deysay 11 maxbuus oo dagaalkii Gobolka Sool lagu qabtay.” Ayuu yiri Wasiirku.

Puntland iyo Somaliland ayaa filaya in is dhaafsigan uu u horseedi doono isku soo dhawaansho iyo inay arrimo dhowr ah iska kaashadaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc