Booliska Sweden ayaa wiil 16 jir ah u soo qabtay toogasho Talaadadii shalay ka dhacday Magaalada Uppsala ee dalkaasi, oo sida la sheegay lagu dilay saddex qof.
Toogashadan ayaa ka dhacday goob timaha lagu jarto oo ku taala bartamaha magaalada, waxaana la sheegay in ninka toogashada gaystay uu markii dambe ku baxsaday mooto.
Tani ayaa keentay in laamaha amniga ay baadigoobaan ninkaasi, iyagoona gacanta ku soo dhigay da’yarkan, oo looga shakisan yahay toogashadaasi.
Booliska ayaa Arbacadan war ay soo saareen ku sheegay in qofka loo soo qabtay falkaasi uu ka yar yahay 18 jir.
Saddexda qof ee toogashada lagu dilay ayaa la sheegay in da’dooda ay u dhaxeyso 15 illaa 20 sano jir.
Warbaahinta Sweden ayaa ku warameysa in boolisku uu baarayo suurtagalnimada in dilka saddexda qof uu la xiriiro dembiyada burcadda.
Warbaahinta maxaliga ayaa sheegtay in mid ka mid ah dadka lagu dilay goobta ay boolisku garanayeen.
Booliska ayaa baaritaan ku waday dhibanaha, bacdamaa la tuhunsanaa in uu ku lug lahaa weerar qorsheysan oo sanadkii 2023 lagu qaaday hoyga hoggaamiye burcadda ka mid ah oo lagu magacaabo Ismail Abdo, laguna dilay hooyadiis.
Warbaahintu waxay sheegtay inaanan wax dacwad ah lagu soo oogin ninkaasi, illaa markii dambe ay booliska ku kadsoomeen in lagu dilay tima-jaraha ku yaala Magaalada Uppsala oo 71km jihada waqooyi uga beegan Caasimadda Stockholm.
Dilka Abdo hooyadiis ayaa la aaminsan yahay in uu sii huriyay dembiyada abaabulan kooxaha gangs-ka ee dalkaasi.