Home Wararka Maanta Shabaab oo duqayn lagu la beegsaday Gobolka Shabellaha Dhexe

Shabaab oo duqayn lagu la beegsaday Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya weerar xagga cirka ah oo lagu qaaday maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan aagga deegaanka Biyacadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Biyacadde ayaa qiyaastii 40km dhanka bari kaga beegan Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle, waxayna ka mid tahay deegaanada gobolka ee ay maleeshiyadu qabsatay labadii bilood ee u dambeysay.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay siyaabooyin kala duwan u beegsadeen maleeshiyada Shabaabka ee ku sugan duleedka Biyacadde.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa sheegay in la duqeeyay maleeshiyadaasi, iyagoo isu akhrinaya buu yiri casharo marin habaabin ah.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta u sheegay in dadka deegaanka ay xogta maleeshiyadaasi la soo wadaageen ciidamada, waxaana lagu fuliyay buu yiri duqaymo barakaysan.

“Halkaas waxaa lagu dilay in ka badan labaatan dhagarqabe oo cadowga Khawaarijta Al Shabaab ka tirsan.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo intaasi ku daray in firxadka Shabaabka ay ka sii gudbeen Biyacadde.

Afhayeenka ayaan soo hadal qaadin wararka sheegaya in diyaarad dagaal ay gantaal ku dhufatay Shabaab abaabul ka waday inta u dhaxeyso Biyacadde iyo Aqab Duco.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Shabaabku ay u muuqdeen kuwo qorsheynayay weerar ka dhan ah deegaanka Aqab Duco, waana xilli Ciidanka Difaaca Shacabka ay nawaaxiga Aqab Duco ka wadaan diyaargarow la xiriira guluf dagaal oo ka dhan ah Shabaabka weerarada ka wada bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.

Gobolkan ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay noqday goobta ugu badan ee laga fuliyo hawlgalada hawada ee la doonayo in lagu xakameeyo weerarada ay Shabaabku ka gaysanayaan dhulkii ku jiray gacanta ciidamada.

Kororka duqaymaha gobolka ayaa ka dambeysay, ka dib markii Shabaabku ay si aan horey loo arag isugu soo fidiyeen degmooyinkii iyo deegaanadii laga saaray 28 bilood ka hor.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc