Home Dhacdooyin Wasiiro iyo Xildhibaano laga mamnuucay kulamada Golaha Shacabka

Wasiiro iyo Xildhibaano laga mamnuucay kulamada Golaha Shacabka

by Laacib

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay soo saaray warqad uu ku sheegayo in 20 ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka uu ka mamnuucay inay ka soo qaybgalaan kulamada golahaasi, sababo amni awgood.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo cuskaday qodobo dastuuri ah ayaa sheegay in masuuliyad ka saaran tahay fulinta & dhowrista Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, ilaalinta nidaamka, habsami u socodka howlaha sida sharci dejinta, maamulka iyo hab-maamuuska golaha.

Gudoomiyaha ayaa weydiistay Guddiga Xeer Hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa & Xasaanadda ee golohaasi in ay ka soo talabixiyaan tallaabooyinka ku habboon ee laga qaadi karo xubnahaasi, sida lagu sheegay qoraal la soo raaciyay warqaddan.

Gudoomiyaha ayaa faray Habdhowraha Golaha Shacabka, Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) in uu ka joojiyo Xildhibaanada magacyadooda warqadda ku xusan ka qaybgalka kulamada golaha, illaa Guddiga Xeer Hoosaadka ay ka soo saarayaan, waxa lagu sheegay go’aankooda anshax-marineed oo waafaqsan Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Dhanka kale Gudoomiye Aadan Madoobe oo isla xalay soo saaray warqad kale ayaa sidoo kale xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, sidoo kalena ka tirsan Golaha Shacabka ka mamnuucay inay ka qaybgalaan fadhiyada golahaasi.

Gudoomiyaha ayaa xubnahan oo afar gaaraya ku eedeeyay in ay ka qayb qaateen falal gacan ka hadal lahaa, waxaana uu Habdhowraha Golaha Shacabka ugu yeeray in uu ka joojiyo kulamada golahan.

Aadan Madoobe ayaa Arbacadii ku guuldareystay in uu shir guddoomiyo fadhigii golaha, ka dib markii Xildhibaanada qaarkood ay ku buuqeen.

Xildhibaanadan ayaa ka biyo diidan tallaabadii uu Gudoomiyuhu 15-kii bishii March uu xubinimadii kaga xayuubiyay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Shacabka.

Tan iyo markii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka soo laabteen fasixii ciidda ayaa waxaan qabsoomin fadhiyadii golahaasi.

Go’aankan uu Gudoomiye Aadan Madoobe uu Wasiirada iyo Xildhibaanada kaga mamnuucay fadhiyadii golaha ayaa ka sii carreysan kara Xildhibaanada, oo dhawaan sheegay in 100 ka mid ah ay saxiixeen mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc