Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) ayaa shalay galab tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya Xoogaga Kumaandooska Gorgor.
Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ayaa tababarka u soo xiray Ururka 17aad, Guutada 20aad ee Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo muddooyinkan tababar ku qaadanayay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Turksom oo ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho.
Ciidamadan ayaa la sheegay in loo tababaray la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo ka jawaabidda xaaladaha degdegga.
General Cabdullaahi Aadan Xuseen oo ciidamada kula hadlay Xerada Turksom ayaa xusuusiyay in ay u tababarteen difaaca dalka & dadka iyo sidii ay cadowga uga ilaalin lahaayeen.
General Cirro ayaa ciidamada ku booriyay inay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta uu sheegay inay dhibaatada ku hayso shacabka Soomaaliyeed.
Saldhigga Turksom oo ah kan ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa ayay saraakiisha dalkaasi ciidamo ugu tababaraan Dowladda Soomaaliyeed.
Turkiga ayaa tobankii sano ee u dambeysay ku lug lahaa dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, waana Turkiga oo sidoo kale Somaliya ka taageera arrimaha amniga iyo xoojinta dowlad-dhiska.
Saraakiisha Turkiga ayaa saldhiggan si gaar ah ugu diyaariya ciidamo u badan kuwa Kumaandooska Gorgor, waxayna sanad kasta soo saaraan Saraakiil, Saraakiil Xigeeno iyo ciidamo u diyaarsan inay ka qayb qaataan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.
Ciidamadan u dambeeyay ee Kumaandooska Gorgor ayaa tababarka loo soo xiray, xilli Villa Somalia ay dhibaato ka haysato, sidii loo dardargelin lahaa hawlgalka deegaanada Hirshabelle.
Dowladda Federaalka iyo Taliska Militariga ayaa muddooyinkan halgan ugu jiray, sidii loo xakameyn lahaa weerarada ay Shabaabku ka wadaan bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, loona sii wadi lahaa hawlgalka looga saarayo gobolkaasi.
Shabaabka ayaa culeys weyn soo saaray bariga gobolkaasi, maalmo uun ka dib, markii uu ka bilowday wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta. Weerarada Shabaabka ayaana hawlgalkaasi ka dhigay mid fadhiid ah.