Waxaa dib u dhac uu ku yimid Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu waday in maanta iyo berri ay yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 11-kii bishii April shir wadatashi isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada, isagoona xilligaasi muddeeyay in shirka uu qabsoomi doono 1-da illaa 2-da bisha May.
Qoraal kooban oo saqdii dhexe ee xalay ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in shirkii maanta ka furmi lahaa Magaalada Muqdisho ay Madaxda Qaranka go’aamiyeen in uu qabsoomo maalinta Isniinta ee 5-ta bishan May.
Dowladda Federaalka ayaan illaa iyo hadda xaqiijin in shirka ay ka soo qaybgeli doonaan Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Madaxweynaha Puntland ayaan ka soo qaybgelin toddobaadii kulan ee u dambeeyay, halka Madaxweynaha Jubbaland uu ka maqnaa kulankii dhawaan ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.
Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ah madal ay ku kulmaan Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waana shir aalaaba looga hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Madaxweyne Deni oo Sabtidii ka hadlayay Magaalada Boosaaso ayaa muujiyay in Puntland aysan ka qaybgeli doonin wax shir oo dambe, oo ay isugu imanayaan Golaha Wadatashiga Qaran, illaa dib looga soo laabanayo wixii horey loogu heshiiyay, oo ay ugu horreyso ku dhaqanka dastuurka.
Deni ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku booriyay in uu ka dhabeeyo gogoshii uu fidiyay habeenkii 1aad ee ciidda, ee uu isugu yeeray danleyda siyaasadda dalka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, si loogu midoobo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed wuxuu maalintii ciidda uu ku dhawaaqay inuu gogol u fidinayo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee saamileyda ka ah ama saamaynta ku leh bulshada Soomaaliyeed. Madaxweynaha waxaan ka codsanayaa inuu arrintaa ka dhabeeyo.” Ayuu yiri Deni oo baaqiisa loo fasirtay mid uu xal ugu raadinayay khilaafka hareeyay nooca doorasho ee dalka laga qaban doono sanadka soo socda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan ka jawaabin baaqaasi, waxaana dib u dhaca shirka uu ku soo aadayaa, iyadoo Wakiilka Qaramada Midoobey ee dalka, James Swan uu Arbacadii ku baaqay in dalka laga qabto doorasho loo dhan yahay.
Mr. Swan ayaa wada kulamo uu la yeelanayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, isagoona Talaadadii iyo Arbacadii la kulmay Madaxweyneyaasha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Swan ayaa sheegay in Somaliya ay u baahan tahay tallaabo cad oo ku aaddan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, taasoo sal u ah sida uu sheegay midnimo iyo wada-xaajood loo dhan yahay, oo ay yeeshaan hoggamiyeyaasha siyaasadda iyo bushada.