Home Dhacdooyin Hawlgalka ciribtirka Daacish oo galay bishii shanaad

Hawlgalka ciribtirka Daacish oo galay bishii shanaad

by Laacib

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa sii xoojinaya cadaadiska militari ay ku hayaan maleeshiyada Daacish, si ay uga ciribtiraan Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Hawlgalka ciribtirka Daacish ayaa Khamiistii galay bishiisii shanaad oo xiriir ah, iyadoona haatan uu geba-gabo ku dhow yahay wejiga saddexaad ee hawlgalkan.

Ciidamada oo 18-kii bishii April la wareegay deegaanka muhiimka ah ee Miiraale ayaa 20-kii bishaasi cagta saaray waddada aadda deegaanka Moqor.

Ciidamada ayaa toddobaadkii labaad hawlgal sifeyn ah ka wada waddada xiriirisa Miiraale iyo Moqor. Daacish ayaa Moqor ku leh mid ka mid ah saldhigyada kooban ay xilligan kaga harsan tahay gobolkaasi.

Moqor oo lala wareego ayaa mugdi sii gelin doonta masiirka Daacishta Somaliya ee dalka.

Ciidamada ayaa waxaa cad in tan iyo markii uu hawlgalku bilowday aysan ka leexin hadafkoodii ahaa inay wiiqaan awoodda militari ee Daacish.

Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa ciidamada u hawlgalinaya sidii loogu talagalay, waxaana uu talisku ka hortagaya fursad kasta oo maleeshiyada u suurtagelineysa in ay dib isku soo abaabusho.

Ciidamada ayaa dulqaad badan u leh dhammaanba caqabadaha ay kala kulmayaan hawlgalkan, iyaga oo markaasi xaqiijinaya guusha dagaalka.

Ciidamada ayaa waxay maleeshiyadaasi kula dagaalamayaan dhul buuraley oo aan lahayn waddooyin fidsan, mana wataan gaadiidka dagaalka iyo gawaarida kale ee ciidamada, marka laga soo tago inay lugeynayaan.

Dagaalkan ayaa ah nooc dagaal oo aad u dhib badan, tiiyoo haddana ay ciidamadu godadkooda iyo difaacyadooda ugu tagayaan maleeshiyada.

Ciidamada ayaa raacaya qorsheyaasha ay saraakiishoodu u dejiyeen, waxayna ku foogan yihiin in ku dhawaad 10 sano ka dib ay soo afjaraan joogitaankii Daacish ee dalka. Daacish ayaan ka hawlgalin dalka intiisa kale, marka laga soo tago Gobolka Bari.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo Sabtidii tababar u soo xiray dufcaddii 4aad ee Ciidanka PMPF ayaa sheegay in hawlgalku uu geba-gabo ku dhow yahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc