Home Wararka Maanta Alcadaala oo sheegay in Macawiisleyda ay difaac u yihiin Soomaalida

Alcadaala oo sheegay in Macawiisleyda ay difaac u yihiin Soomaalida

by Laacib

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa Xoogaga Macawiisleyda ku ammaanay gacanta ay ka gaysanayaan la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta ayaa sheegaya in Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ay mar kale is bareen Al Shabaab, ka dib hawlgal ay ka fuliyeen xadka gobolkaasi uu la wadaago Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wasiir Kuxigeenka ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in xoogagaasi ay difaac iyo dhiirigelinba u yihiin Soomaali oo dhan.

“Mahadsanidiin reer Hiiraan sida aad mar kale Khawaarijta galabta u barteen kuwa aad tihiin. Waxaad difaac iyo dhiirigelin u tihiin Soomaali oo dhan. Meydadka Khawaarijta ee aad ka talaabsateen waa mid ay xusuusan doonaan.” Ayuu yiri Cabdirxmaan Yuusuf Cumar.

Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa Jimcahan dagaal culus kula wareegay deegaanka Hararta, oo ku yaala xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada ayaa weeraray deegaankaasi, ka dib markii sida la sheegay ay ka war heleen in Maleeshiyada Shabaabka ay abaabulayeen weeraro ay ka gaystaan goboladaasi.

Ciidamadan oo ka soo dhaqaaqay duleedka deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaankaasi, oo dhaca inta u dhaxeyso Ceel-hareeri iyo Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Xoogaga Macawiisleyda ayaa kordhiyay hawlgalada ay ka sameynayaan deegaanada qaar ee labada gobol ee Hirshabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc