Home Dhacdooyin Webiga Shabelle oo bilaabay in uu fatahaad ka gaysto Hirshabelle

Webiga Shabelle oo bilaabay in uu fatahaad ka gaysto Hirshabelle

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay uu Webiga Shabelle fatahaad ka gaystay deegaanka Xawaadley ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in fatahaadda ay saamayn ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo dalagii beeraha ay beerteen beeraleyda ku dhaqan deegaankaasi.

Qoysaska qaar ayaa isaga barakacay deegaanka, halka kuwo kalena ay halgan ugu jiraan, sidii ay biyaha uga saari lahaayeen guryahooda.

Masuuliyiinta ayaa laga soo xigtay in fatahaaddan ay ka dhalatay roobab xoogan oo ka da’ay gobolka, isla-markaana ay keentay in webiga uu meelaha qaar qarka jabsado, sidaana uu ugu soo fatahay dhul beereed muhiim ah.

Wasaaradda Beeraha Hirshabelle oo kaashaneysa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa meelaha qaarkood ka sameynaya biyo xireen, si looga hortago amaba loo xakameeyo fatahaadda webiga.

Dad badani ayaa ka cabsi qaba in webiga uu fatahaad cusub ka gaysan doono deegaano hor leh oo ka tirsan Hirshabelle, maadaama la joogo xilli roobaad.

Hirshabelle waxay ka mid tahay meelaha ugu daran ay fatahaaduhu ka dhacaan, waxayna inta badan ka dhashaan marka ay biyo badan ka soo rogmadaan dhulka buuraha ee Itoobiya iyo roobabka waaweyn ee ka da’a Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Webiga Shabelle ayaa la sheegaa in uu ku fataho gobolada dal ee uu maro, marka ay ciriiri ku noqdaan marinadii uu marayay.

Xilliyada uu webigu biyaha yareeyo amaba uu guro ayaa la sheegaa in ciid ay daboosho marinadaasi iyo dadka oo qashinka ku soo shubo.

Hay’adaha dowliga ah ee ka hawlgala Gobolada Hiiraan, Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose ayaa la aaminsan yahay inaysan si hufan uga hawlgalin goboladaasi, isla-markaana aysan dadka ka wacyigelin dhibaatada ka dhalan karta, haddii ay marinadaasi xirmaan.

Fatahaadaha ayaa muddo dheer dalka ka ahaa, sida mashruuc wax lagu cuno oo kale, balse aan loo diyaargaroobin cawaaqibka ay reebi karaan.

Dowladihii kala dambeeya ee dalka ayaa lagu dhalleeceeyaa inaysan masuuliyad iska saarin waajibaadka kaga aaddan, sidii looga gaashaaman lahaa fatahaadaha iyo daadadka ka dhasha webiyada iyo roobabka dalka ka da’aya, ka hor inta aan lagu soo baraarugin fatahaad illaa fatahaad kale.

Cabsida fatahaadda Hirshabelle laga muujinayo ayaa ku soo aadeysa, xilli ciidamadu ay hawlgalo ka wadaan qaybo ka mid ah labada gobol ee maamulkaasi.

Fatahaadda oo sii socoto ayaa dhibaato ku noqon doonto dadaalada Dowladda Federaalka iyo Hirshabelle ee ku saabsan in ciidamadu ay dib ula wareegaan dhulkii ay dhawaan maleeshiyada Al Shabaab ka qabsadeen bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, bacdamaa ay dadku ku mashquuli doonaan la tacaalidda fatahaadaha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc