Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha.
Shirka ayaa lagu soo bandhigay caqabadaha waaweyn ee ku horgudban kor u qaadista wax soosaarka dalka.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dhiirigelinta wax soosaarka gudaha, oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka iyo in la gaaro isku filnaansho cunto.
Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku booriyay in ay maalgashadaan beeraha dalka, si looga maarmo wax yaabaha dibadda laga soo dhoofiyo, iyada oo gudaha dalka laga heli karo.
Raysal Wasaaraha oo shirka ka hadlayay ayaa sheegay in dunida aysan ku baraarugsaneyn dhibaatada cunto yarida, ka hor dagaalka dalka Ukraine.
Duulaanka Ciidamada Ruushka ay dalkaasi ku qaadeen saddex sano ka hor ayaa dunida ka abuurtay qalqal cunto, waxaana meelo badan laga dareemay cunto yari baahsan iyo qalalaase dhaqaale, maadaama Ruushka iyo Ukraine ay yihiin labada dal ee ugu wax soosaarka badan xagga dalaga. Colaadda ka hor labadan dal ayaa dibadda u iibgeynayay boqolkiiba afartan (40) qamadiga dunida laga cuno.
“Markii qamadigu istaagay, ka dib mushkiladda ka dhacday wadankaa yar waxay abuurtay in wadamada qaar ay qalalaaso ka dhacaan, cabsi ay jirto, wadamada ay kaydsadaan cuntadoodii, wixii ay dhoofin jireen ay diidaan.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed ay maanta haystaan dhul ballaaran oo ku wanaagsan beerashada, ayna tahay inay uga faa’iideystaan dhaqaalahooda.
“Siyaasadda dowladdu waxaa weeye in dib loo fiiriyo beerihii oo xoogga la saaro wax soosaarkii, in wax kasta oo dowladdu samayn karto inay diyaar la tahay oo meeshaas xoog geliso.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo hadalkiisa ku xoojiyay “Ujeedku waxaa weeye ganacsatadii, dowladdii iyo beeraleydii oo isla socota inaanu xoogga saarno wax soosaarkii beeraha.”
Shirka ayaa waxaa ka qaybgelaya masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, ganacsato, khubaro iyo daneeyeyaasha kale ee ku howlan horumarinta cuntada iyo wax soosaarka beeraha dalka.