Qaraxyo waaweyn ayaa xalay gilgilay dalka Yemen, ka dib markii diyaaradaha dagaalka Israel ay beegsadeen goobo ku yaala dalkaasi.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa garaacay Dekedda Hudaydah iyo warshad shubka sameysa oo saaran xeebta dalkaasi.
Dab weyn ayaa ka kacay Dekedda Hudaydah, iyadoo la gubay haamo shidaalka lagu kaydiyo oo ku yaala dekeddaasi. Telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al Masirah ayaa sheegay in lix weerar oo xagga cirka ah lagu qaaday Dekedda Hudaydah.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay bartilmaameedsadeen goobo ku yaala gobolka galbeedka Yemen ee Hudaydah.
“Goobihii kaabeyaasha argagixisada ayaa lagu weeraray Dekedda Hudaydah, oo ah isha ugu weyn ee saadka maamulka argagixisada ee Xuuthiyiinta.” Ayuu Militariga Israel ku sheegay bayaan ay soo saareen.
“Dekedda Hudaydah waxaa loo adeegsadaa goob lagu kala wareejiyo hubka Iran, agabka militari iyo qalabka kale ee loogu talagalay ujeedooyinka argagixisada.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Israel ay sidoo kale weerartay warshadda shamiindada shubka sameysa ee Bajil, taas oo u adeegta baa bayaanka lagu yiri ilaha dhaqaale ee muhiimka ah ee Xuuthiyiinta.
“Xaruntan ayaa sidoo kale loo isticmaalaa dhismaha marinada dhulka hoostiisa mara iyo kaabeyaasha argagixisada ee nidaamka argagixisada.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Telefishinka Al Masirah ayaa sheegay in goobaha la weeraray ay yihiin goobo rayid, waxaana uu meesha ka saaray in ay yihiin kaabeyaasha militari ee Xuuthiyiinta.
War ka soo baxay Ururka Xuuthiyiinta ayaa lagu sheegay in Israel iyo Mareykanka oo wada socda ay soo weerareen dalkaasi, isla-markaana ay ka aargudan doonaan.
Mareykanka ayaan wax war ah ka soo saarin eedeyntaasi. Mareykanka ayaa horey laba ka mid ah maraakiibtiisa xambaara diyaaadaha dagaalka ugu soo diray gobolka, waxayna bishii labaad ay duqaymo xiriir ah ku hayaan dalkaasi Yemen.
Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in duqayntii xalay ay ahayd mid lagaga aargudanayay weerarkii gantaal ay Xuuthiyiinta Axaddii ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv.
Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Xuuthiyiinta, Anees Al Asbahi ayaa sheegay in ugu yaraan 21 qof ay ku dhaawacmeen weeraradaasi.
Xuuthiyiinta ayaa wacad ku maray in ay si dhakhsa ah uga aarguda doonaan weeraradaasi.