Home Wararka Caalamka Xiisadda Bariga Dhexe oo aad u kacsan

Xiisadda Bariga Dhexe oo aad u kacsan

by Laacib

Gobolka Bariga Dhexe ayaa galay xaalad aad u kacsan, ka dib duqayntii Israel ay xalay ka gaysatay dalka Yemen, iyadoo dhinaca kalena ay Xuuthiyiintu wacad ku mareen in ay ka aargudan doonaan maamulkaasi.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa weeraray Dekedda Hudaydah iyo warshadda shubka sameysa ee Bajil, waxayna Wasaaradda Caafimaadka ay Xuuthiyiinta maamulaan sheegtay in 21 qof ku dhaawacmeen weeraradaasi.

Ururka Xuuthiyiinta ayaa sheegay in Israel oo Mareykanka uu wehliyo ay soo weerareen dalkaasi, isla-markaana ay tahay in jawaab adag ay ka fishaan.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa Warbaahinta dalkaasi u sheegaya in Israel iyo Mareykanka ay ka shalaayi doonaan xadgudubyadooda ka dhanka ah Yemen.

Gobolka ayaa billo ka dib ku laabtay xaaladdii aadka u kacsaneyd ee markii horeba ka dhalatay duulaanka Israel ay 18 bilood ka hor ku qaadday Marinka Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in Israel ay heegan gelisay ciidamadeeda cirka iyo kuwa Mareykanka ee ka caawinaya in laga hortago weerarada uga imanaya ururka reer Yemen.

Cabsi ayaa ka jirta gudaha Israel, maadaama shacabka Israel ay ogyihiin in Xuuthiyiintu aysan joogsan doonin, isla-markaana aysan ahayn niman la cabsi gelin karo.

Xuuthiyiinta ayaa mar sii horreysay ku dhawaaqay in ay hawada ka go’doomin doonaan Israel, iyagoo si is daba joog ah u beegsanaya garoomada diyaaradaha, gaar ahaan Garoonka Ben Gurion, waana xilli weerarkii ay Axaddii ku qaadeen garoonkaasi uu xoojiyay cabsidii laga qabay in hawada Israel aysan ahayn meel ammaan ah.

Arrintan ayaa saamayn toos ah ku yeelatay shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah, kuwaas oo dheereeyay muddada ay hakadka geliyeen duulimaadyadii ay ku tagayeen Tel Aviv.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa walaac ka muujiyay duruufaha dhinaca amniga ee Tel Aviv, ka dib gantaalkii ay Xuuthiyiinta maalin ka hor ku dhufteen xeendaabka garoonka ugu weyn Israel ee Ben Gurion.

Yemen ayaa waxay ka mid tahay dalalka aan badneyn ee haysta gantaalada guuxooda ka dheereeya ee ballaastikada, taas oo walaac weyn ku haysa duulimaadyada rayidka iyo Israeliyiintaba.

Xeel-dheereyaasha oo ka duulaya xaaladda soo korortay iyo warka ay Xuuthiyiinta ku sheegeen inaanan la tagi karin magaalada ugu weyn Israel ee Tel Aviv ayaa sheegaya in Israel ay wajihi doonto qalalaase dhaqaale, haddii la filayo in tirada dadka dalxiiseyaasha ay si weyn hoos ugu dhici doonto, bacdamaa aanu jirin amni la isku halayn karo, waxaana xusid mudan in Garoonka Ben Gurion uu ka mid ah yahay goobaha dhaqaalaha ugu badan ay Israel ka hesho.

Xuuthiyiinta ayaa hiigsanaya hadafka ah in la joojiyo colaadda Gaza iyo in la fasaxo gargaarka ay Israel ka hortaagan tahay in la gaarsiiyo Falastiiniyiinta reer Gaza, inkastoo nidaamka haatan ka jira Israel aanu hadda diyaar u ahayn in la soo afjaro colaaddan.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo ah ninka ugu dambeeya ee iska leh go’aanka dagaalka ayaan haddana bixin karin amarka lagu soo afjari karo, sababtoo ah dowladdiisa wadaagga ah oo ku dhisan taageerada axsaabta midigta fog, oo iyagu ka biyo diidan in dagaalka la joojiyo, iyadoo aan Xamaas la burburin.

Wasiirada xagjirka ah ee xisbiyadaasi ku metela dowladda la wada leeyahay ayaa si joogta ah ugu hanjaba in ay ridi doonaan dowladda ku dhisan isbahaysigooda, haddii aan rabitaankooda la tixgelin.

Netanyahu oo muddo xileedkiisu uu ku egyahay daba-yaaqada sanadka soo socda ayaa u xusul-duubaya, sidii uu waqtigiisu ku dhameysan lahaa, isaga oo hubin in dib loo soo dooran doono, inkastoo uu yahay Raysal Wasaarihii ugu muddada dheeraa ee taariikhda Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc