Home Dhacdooyin Trump oo sheegay in ay xabad joojin la galeen Xuuthiyiinta Yemen

Trump oo sheegay in ay xabad joojin la galeen Xuuthiyiinta Yemen

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in dalkiisu uu joojinayo duqaymihii ay ka wadeen dalka Yemen, ka dib markii uu sheegay in iyaga iyo Xuuthiyiinta ay isla qaateen heshiis xabad joojin ah.

Madaxweynaha ayaa xalay Aqalka Cad ka sheegay in Mareykanka uu ka tanaasulayo duqaymihii maalinlaha lahaa ee ku dhawaad muddo laba bilood ahba ka wadeen dalkaasi, isagoo ku saleynaya is fahamka ay gaareen Xuuthiyiinta.

“Xuuthiyiinta waxay noo sheegeen in aysan dooneyn in ay nala dagaalamaan. Keliya ma rabaan in ay nala dagaalamaan, taasna waan ku sharfaynaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Trump oo Warbaahinta la hadlayay, isagoo uu garab fadhiyo Raysal Wasaaraha Canada, Mark Carney. Trump ayaa intaasi ku daray in ururka reer Yemen ay ballanqaadeen inaysan weerari doonin maraakiibta Mareykanka, iyana ay joojinayaan weeraradii ay ku hayeen Xuuthiyiinta.

“Waxaan aqbalnay hadalkooda, waxaana si dhakhsa ah u joojin doonnaa duqaymihii Xuuthiyiinta.” Ayuu yiri Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka.

Dowladda Cumaan ayaa waxay xaqiijisay in ay xabad joojin dhex dhigtay Washington iyo ururka awoodda badan ee Xuuthiyiinta Yemen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan, Badr Albusaidi ayaa sheegay in labada dhinacba ay aqbaleen heshiiska xabad joojinta.

Wasaaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in ciidamada lagu wargeliyay in ay si degdeg ah u joojiyaan duqaymihii ay ku beegsanayeen bartilmaameedyada Xuuthiyiinta ee dalka Yemen.

Xuuthiyiinta ayaa bishii November ee sanadkii 2023 bilaabay in ay weeraraan maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda Dekedaha Israel, iyadoo aan loo eegeyn dalka laga leeyahay, si garab istaag loogu muujiyo shacabka Falastiin, gaar ahaan reer Gaza.

Xuuthiyiinta ayaa bartamihii bishii January ee sanadkii 2024 ku dhawaaqay bartilmaameed sharci ah oo ka dhan ah maraakiibta laga leeyahay Mareykanka iyo Ingiriiska, taas oo jawaab u ahayd dalalkan oo 12-kii bishaasi bilaabay in ay garaacaan gudaha Yemen, si loo joojiyo weerarada ay Xuuthiyiintu ku bartilmaameedsanayaan maraakiibta ganacsiga ee ku wajahan Dekedaha Israel iyo kuwa kale ee ka yimaada dekedahaasi, isla-markaana ku gooshaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Muddadii dhowr iyo kontonka cisho ahayd ee xabad joojintu ka shaqeynaysay Gaza, Mareykanka ayaan wax duqaymo ah ka gaysan dalkaasi, waxaase uu duqaymuhu soo celiyay 15-kii bishii March, waana saddex cisho uun ka hor goorta ay Israel jebisay heshiiskii xabad joojinta Gaza. Mareykanka ayaana ku guuleysan in ay tallaabo militari ku joojiyaan weerarada Xuuthiyiinta.

Xubnaha ku dhow dhow Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Warbaahinta la wadaagay inaanan laga talagelin go’aanka uu Mareykanku ku qaatay xabad joojintan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc