Labadan dal ee deriska ah ayaa qarka u saaran isku dhac buuxa, ka dib markii India ay xalay weerar ku qaadday dalka Pakistan, iyadoona Islamabad ay ku hanjabtay in ay ka falcelin doonto.
Ciidamada India ayaa weeraray sagaal bartilmaameed oo ku yaala dhulka ay Pakistan ka maamusho Gobolka Kashmir iyo weliba gudaha Pakistan, waxayna Delhi sheegtay in ay weerarkaasi ku burburisay sagaal xarumood oo argagixisada ay ku leedahay dalkaasi.
Delhi ayaa sheegtay in weerarku uu jawaab u ahaa toogashadii 22-kii bishii hore ee April lagu dilay dalxiiseyaal Hindi ahaa, oo ku sugnaa Gobolka Kashmir, qaybta ay India maamusho, isla-markaana ay ku dhinteen 25 qof oo Hindi ahaa iyo qof kale oo u dhashay dalka Nepal.
Militariga Pakistan ayaa isla xalay gantaalo iyo madaafiic ku garaacay deegaanada India ee ku dhow dhow xuduudda labada dal.
Wasiirka Warfaafinta Pakistan, Attaullah Tarar ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadoodu ay soo rideen saddex ka mid ah diyaaradaha dagaalka India, ka gadaal markii ay ku soo gardaroodeen dalkooda.
“Gardarrada India ma lahan sabab macquul ah, waxayna ka gudubtay xadka. Waxay gantaalo ku soo rideen shacabkeenna oo aan waxba galabsan, waxaana ku weynay dumar iyo carruur, waxa kaloo jira dad ku dhaawacmay oo isbitaalada la dhigay.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Pakistan.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray “Waxaan filayaa in Pakistan ay xaq u leedahay inay ka jawaabto, si sax ahna ay uga jawaabto. Illaa iyo hadda waxaan soo ridnay saddex ka mid ah diyaaradahooda dagaalka.” Hadalka Wasiirka ayaa daba socdo war ka soo baxay Militariga Pakistan oo lagu sheegay in ay soo rideen shan diyaarado oo India ay leedahay, isla-markaana isugu jira kuwa la wado iyo kuwa aan la wadinba. Militariga ayaa saddex ka mid ah diyaaradahaasi ku sheegay nooca Rafale ee Faransiisku uu sameeyo.
Pakistan ayaa waxay xaqiijisay in 26 qof ay kaga dhinteen weerarka xagga cirka iyo rasaas ka dhacday xuduudda, 46 kalena ay kaga dhaawacmeen. India ayaa dhinaceeda sheegtay 15 qof ay ku dhinteen, 43 kalena ay kaga dhaawacmeen madaafiic ay Pakistan ku garaacday xuduudeeda aan rasmiga ahayn.
Islamabad waxay si adag u beenisay sheegashada India, ee ah in ay beegsatay kaabeyaal argagixiso, isla-markaana goobaha la duqeeyay ay ahaayeen goobo rayid ah.
Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Asif ayaa sheegay in Ciidamada India ay weerareen goobo ay ku nool yihiin dad rayid ah, kuwaas oo uu sheegay in la weeraray iyagoo hurda. Wasiirka ayaana waxba kama jiraan ku tilmaamay argagixisada ay India ku andacooneyso in ay duqaysay.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo ka falcelinayay weerarka ay India ugu magac-dartay (Hawlgalka Sindoor) ee ay ka gaysatay dhulka Pakistan ayaa ku tilmaamay wax laga xishoodo oo ceeb ah.
Shehbaz Sharif, Raysal Wasaaraha Pakistan ayaa weerarka ku qeexay mid daandaansi ah, oo aan wax qiil ah haba yaraatee lahayn.
Raysal Wasaaraha ayaa wacad ku maray in aanay Islamabad gacmaha ka laaban doonin weerarka gardarrada ah ee India ku soo qaadday dalkiisa, sida uu yiri.
Golaha Amniga Qaranka ee Pakistan ayaa sheegay in weerarka India ay xalay ku soo qaadday dhulka Pakistan uu ka dhigan tahay farriin dagaal, oo dab ka hurin kara gobolka oo dhan.
Afhayeenka Ciidamada Pakistan, General Ahmed Sharif Chaudhry oo Warbaahinta ka soo muuqday ayaa dhammaan Ciidamada Qalabka Sida ku wargeliyay in la farayo in ay u diyaargaroobaan jawaabaha lagama maarmaanka ah, si loo difaaco buu yiri midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Pakistan.
Xiisaddan ayaa si weyn looga dareemay labada dal, waxayna keentay in la hakiyo duulimaadyadii rakaabka ee meelo ka mid ah dalalkaasi.
Pakistan iyo India oo mar hal dal isku ahaa ayaa leh taariikh dagaal, iyadoo xiisadda labada dal ee soo noqnoqotay ay salka ku hayso cidda iska leh, isla-markaana maamuleysa Gobolka Kashmir.