Home Wararka Caalamka Dunida oo adeegsaneysa saamaynteeda, si loo dejiyo xiisadda Pakistan iyo India

Dunida oo adeegsaneysa saamaynteeda, si loo dejiyo xiisadda Pakistan iyo India

by Laacib

Dunida ayaa cadaadis ku saareysa Dowladaha India iyo Pakistan in ay si degdeg ah hoos ugu dhigaan xiisadda labaad dal ee tan iyo Arbacadii cirka isku shareertay.

Dunida ayaa waxay walaac xoog leh ka muujineysaa in uu dagaal buuxa ka dhex qarxo labadan dal, ka dib markii India ay weerar ku qaadday Gobolka Kashmir, qaybta ay Pakistan maamusho iyo weliba gudaha dalkaasi, iyadoona Pakistan ay ku hanjabtay in ay jawaab adag ka bixin doonto.

Raysal Wasaare Shehbaz Sharif ayaa wacad ku maray in dalkiisu aanu gacmaha ka laaban doonin gardarrada India, taas oo keentay in militarigu uu heegan geliyo dhammaanba ciidamada dalkaasi. Kubadda ayaa hortaala dhinaca Pakistan, waxayna Islamabad ku adkeysanaysaa in ay xaq u leedahay inay ka jawaabto weerarkaasi.

Dunida oo garowsan in xaaladda labada dal ay toddobaadkan gaartay meel adag ayaa adeegsaneysa saamaynta ay ku dhex leedahay labada dal, si diblomaasiyadda ay u shaqeyso.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Delhi iyo Islamabad u gudbiyay walaaca ay dunida ka qabto isku dhac ballaaran oo ka dhex qarxa labada dhinac.

Xoghaye Guterres ayaa sheegay in dunida aysan xilligan xamili karin, isla-markaana aanay awoodin iska horimaad ciidan oo dhex mara dalalkan hubka nuclear-ka ku hubeysan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Pakistan iyo India ku booriyay in ay is xakameeyaan, ayna ka fogaadaan wax kasta oo xiisaddan uga sii dari kara.

Trump ayaa ugu baaqay in nabadda iyo xasilloonida ay wax walba ka hormariyaan, iyagoo ka fogaanaya dagaal aanay cidina wax dan ah ku qabin.

“Qofna ma doonayo inuu arko labadan waddan oo awood leh oo jidkaas maraya.” Ayuu yiri Trump.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa sheegay in wada hadalku uu yahay xalka keliya ee lagaga gudbi karo xiisadda weyn ee ka dhex taagan dalalkaasi.

Ruushka, Shiinaha, Bangladesh, Australia, Midowga Yurub iyo dowladaha Bariga Dhexe ayaa wada dadaalo diblomaasiyadeed oo dalalkan looga dhaadhicinayo in ay is xakameeyaan.

Shiinaha oo deris la ah Pakistan iyo India ayaa si dhow ula socda xiisadda ka soo cusboonaatay gobolka, isagoona ka shaqeynaya, sidii looga fogaan lahaa dhammaanba tallaabooyinka sii hurin kara xiisadda.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Shiinaha oo lagu magacaabo Lin Jian ayaa sheegay in Beijing ay dhinacyada weydiisatay in xiisadda la qaboojiyo, iyadoo laga baaqsanayo dagaal aan waxba la isku reeban.

“Shiinuhu wuxuu ka soo horjeedaa nooc walba oo argagixisanimo ah, waxaana ugu baaqaynaa India iyo Pakistan in ay mudnaanta siiyaan nabadda iyo xasilloonida, iyagoo is dejinaya, isla-markaana ay ka fogaadaan wax walba oo sii murjin kara xaaladda.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta u sheegay in Beijing ay xitaa diyaar u tahay in Beesha Caalamka ay kala shaqeyso, si ay door wax ku ool ah uga ciyaaraan dejinta xiisaddan.

48-kii saac ee u dambeysay ayaa waxaa xoogeysanayay dadaalada ay diblomaasiyiinta shisheeye ugu kala dab qaadayaan dhinacyada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc