Home Dhacdooyin Puntland oo loo gacan geliyay mid ka mida xubno Shabaab oo ka baxsaday xabsiga

Puntland oo loo gacan geliyay mid ka mida xubno Shabaab oo ka baxsaday xabsiga

by Laacib

Puntland ayaa waxay xaqiijisay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen mid ka mid ah xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab oo horey uga baxsaday xabsi ku yaala waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Ninkan iyo saddex xubnood oo kale ayaa bishii 7-dii bishii May ee sanadkii 2024 ka baxsaday xabsigaasi, xilli ay horey Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ugu xukuntay dil toogasho.

Ciidamada ayaa 10-kii bishii August ee sanadkaasi gacanta ku soo dhigay Barkhad Cawil Xirsi, oo ka mid ahaa afartii xubnood ee ka baxsaday xabsiga, waxaana August 17-keedii isaga iyo sagaal xubnood oo kale lagu toogtay fagaare ku yaala duleedka Gaalkacyo.

Ninka caawa la sheegay in la soo qabtay waa xukunsane Cabdiqani Suleebaan Jaamac (Sayloor), oo isaga iyo labada xubnood ee kale ee weli maqan ay muddooyinkanba Puntland ku daba joogtay, waxaana laga soo qabtay deegaanka Bacaadweyne ee koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada Galmudug oo gacanta ku soo dhigay ninkaasi ayaa ku wareejiyay kuwa Puntland, waana xilli labada dhinac ay sanadihii u dambeeyay ka wada shaqeynayeen amniga gobolka.

Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay in soo qabashada Cabdiqani Suleebaan Jaamac ay gacan ka gaysteen shacabka ku dhaqan Wisil iyo Bacaadweyne.

“Hawlgal si taxadar leh loo qorsheeyay oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Booliska iyo shacabka ku dhaqan deegaanada Wisil iyo Bacaadweyne ayaa lagu soo qabtay xukumanaha, kaasi oo muddo ku dhuumaaleysanayay gudaha Gobolka Mudug.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Booliska Puntland.

Warka ayaa lagu sheegay “Xukumane Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) ayaa ka tirsanaa shabakad falal dilal qorsheysan ah ka gaysatay Magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda, waxaana uu horey uga baxsaday gacanta dowladda. Laamaha amniga Puntland oo si joogto ah u raadinayay, isla-markaana madaxiisa dul dhigay abaalmarin lacageed ayaa ugu dambayn ku guuleystay inay ku qabtaan deegaanka Bacaadweyne ee Maamulka Galmudug, kaas oo hadda loo gudbiyay Xabsiga Dhexe, si loo mariyo habraaca sharciga ee xukunkii horey loogu riday.”

Sayloor oo ahaa xidig kubadda cagta ah ayay dadku la yaabeen, ka gadaal markii laamaha amniga ay isaga iyo Cadde Cabdullaahi Maxamed u soo qabteen dilkii Allaha u naxariistee Wariye Jamaal Faarax Aadan 1-dii bishii March ee sanadkii 2021 loogu gaystay Magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda Ciidamada ayaa 26-kii bishii March ee sanadkii 2023 xukun dil toogasho ku xukuntay Sayloor, Cadde Cabdullaahi Maxamed iyo xubno kale, ka dib markii lagu helay in ay gaysteen dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka dhacay Gaalkacyo. Cadde waxa uu ka mid ahaa tobankii xubnood ee 17-kii bishii August ee sanadkii la soo dhaafay lagu toogtay magaaladaasi.

Puntland ayaa waxaa weli gacanteeda ka maqan xubnaha kala ah Cabdullaahi Faysal Xuseen (Abuu Jonge) iyo Cabdiraxmaan Awal Maxamed, kuwaas oo aanay cidina sheegi karin halka ay ku sugan yihiin, tan iyo markii sanadkii 2024 ay ka baxsadeen xabsiga ku yaala Gaalkacyo.

Booliska Puntland ayaa horey u ballanqaaday in labaatan kun oo dollar ($20,000) oo abaalmarin ah la siin doono cid kasta oo keenta xogta iyo goobta ay ku sugan yihiin xubnaha baxsadka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc