Madaxweyne Donald Trump ayaa Isniintan sheegay in Xamaas ay qarka u saaran tahay inay sii deyso askariga lagu magacaabo Edan Alexander, ka dib heshiiskii xalay labada dhinac ay ku gaareen dalkaasi Qatar.
Edan Alexander waa askari Israeli ah, sidoo kalena haysta dhalashada dalka Mareykanka, kaas oo ka mid ahaa dadkii ay kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ku soo qafaasheen weerarkii October 7-deedii ee sanadkii 2023 ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Xamaas ay hadda ku foogan tahay, sidii wax yar ka dib ay u sii deyn lahayd askarigaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Xamaas ay askarigaasi ku wareejin doono gacan saddexaad, si loogu qaado gudaha Israel.
Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in xubnaha qoyskiisa iyo saaxiibadiisa ay isha ku hayaan telefishinada, si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa sii deyntiisa.
Alexander ayaa waxa uu noqonaya maxbuuskii ugu horreyay oo la sii daayo, tan iyo markii Israel ay 18-kii bishii March jebisay heshiiskii xabad joojinta ee ay Xamaas la gaartay ee 19-kii bishii January ka dhaqangalay Marinka Gaza.