Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaal xoogan oo ka dhacay koonfurta Gobolka Mudug

Wararkii ugu dambeeyay dagaal xoogan oo ka dhacay koonfurta Gobolka Mudug

by Laacib

Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa waaberigii hore ee saakay weerar xoogan ku qaaday fariisimaha ay maleeshiyada Al Shabaab ku leeyihiin tuulada Bohol Caalin ee koonfurta Gobolka Mudug.

Bohol Caalin ayaa waxay ka mid tahay tuulooyinka dhaca deegaanka Jowle oo hoostaga Degmada Xarardheere, iyadoo Jowle ay tahay deegaanka ugu muhiimsan ee ay Shabaabku xilligan ka joogaan koonfurta gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Difaaca Shacabka ay halkaasi dagaal xoogan kula galeen Shabaabka, isla-markaana ay dibadda uga saareen tuulada.

Saraakiisha Macawiisleyda ayaa sheegay in ciidamadu ay xeradoodii ugu daateen maleeshiyada, isla-markaana ay dagaal uga saareen.

Ciidamada ayaa soo bandhigay meydadka xubno ay ku sheegeen Shabaabkii lagu dilay dagaalka, kuwaas oo sidoo kalena ay sheegeen in hubkoodiina ay la wareegeen.

Caseyr Ibraahim Mataan, Gudoomiyaha Degmada Xarardheere ayaa sheegay in hawlgalka uu u dhacay, sidii la qorsheeyay ee loogu talagalay.

Hawlgalkan ayaa u muuqday mid culeyska lagaga qafiifinayo hujuumka ay maleeshiyadu muddooyinkanba ku haysay deegaanada hoostaga degmadaasi.

Gudoomiye Mataan ayaa tilmaamay in Shabaabku ay waayadaanba gubayeen dhulka beeraha ee ku yaala duleedka degmadaasi.

Ciidamadan weeraray Bohol Caalin ayaa la fahamsan yahay in qaybtood ay Khamiistii ka baxeen Degmada Xarardheere, jidkana ay iska sii raaceen kuwo kale oo lagu abaabulay duleedka degmadaasi.

Warbaahinta ayaa ogaatay in Xoogaga Macawiisleyda ay saacado ka dib soo banneeyeen tuuladaasi, Shabaabkii horey u joogayna ay dib ugu soo laabteen

Shabaabka ayaa Bohol Caalin ku leh mid ka mid ah goobaha ay ka difaacayaan deegaanka Jowle oo ku yaala meel istiraatiiji ah. Jowle ayaa waxay Xarardheere ku xiriirisaa Hobyo, Gaalkacyo, Cadaado, Ceeldheer, Galhareeri iyo Ceelbuur.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa guuldareystay isku dayo ay ciidamadu ku doonayeen in ay kula wareegaan deegaankaasi istiraatiijiga ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc