Home Wararka Caalamka Trump iyo Netanyahu oo qoorta isku la jira

Trump iyo Netanyahu oo qoorta isku la jira

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa waxay haatan u muuqdaan kuwo ku sii kala fogaanaya xiisadda Gobolka Bariga Dhexe, oo xudun u ah colaadda Marinka Gaza.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka shaqeynaya, sidii loo soo afjari lahaa xiisaddan, oo aan laga gudbi karin inta ay Israel daadineyso dhiigga Falastiiniyiinta reer Gaza.

Madaxweynaha oo ka falcelinayay sii deynta Xamaas ee Edan Alexander ayaa qoraal ku sheegay in sii deyntiisu ay tahay tallaabo niyad wanaag ah, oo lagu joojinayo sida uu yiri dagaalka Gaza.

Xoogaga Xamaas ayaa gelinkii dambe ee Isniintii sii daayay ninkaasi, ka dib muddo 19 bilood ah oo lagu haystay gudaha Gaza, isaga oo ka mid ahaa dadkii ay kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ku soo qafaasheen weerarkii 7-dii bishii October ee sanadkii 2023 ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho, horeyna uga xoogtay shacabka Falastiin.

Heshiiskan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee dhex mara Mareykanka iyo Xamaas, iyadoo Mareykanku uu muddo dheer Xamaas u aqoonsanaa urur argagixiso. Mareykanka ayaa ka tanaasulay mowqifkiisii hore, si loo bilaabo dadaalo lagu sii deynayo maxaabiista ay kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ku haystaan Marinka Gaza.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa sameeyay ballanqaadyo dhowr ah, oo la xiriira in la furo waddooyinka Gaza, in gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan iyo in si dhameystiran loo soo afjaro dagaalka nafaha badan galaafanaya, iyadoo dhinaca kalena la sii deynayo Israeliyiinta lagu haysto dhulka go’doonsan.

Hase yeeshee Washington ayaa mucaaradad xoog leh kala kulantay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo ka soo horjeestay in la joojiyo dagaalkan, iyadoo aan la xaqiijin ujeedooyinkii Israel ugu duushay Marinka Gaza. Ciidamada Israel ayaa Gaza ugu duulay burburinta Xamaas, dib u soo celinta la haysteyaasha Israeliyiinta iyo inaysan Gaza mustaqbalka khatar amni ku noqonin Israel.

War ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu ayaa lagu sheegay in Israel aysan ka tanaasuli doonin mowqifkeeda dagaalka, isla-markaana ay ciidamadeedu sii wadi doonaan dagaalkan.

Warka ayaa lagu sheegay in Israel ay sii wadi doonto dagaalkeeda, isla-markaana aanay Xamaas la geli doonin heshiis keenaya in ciidamada laga soo saaro Gaza.

Netanyahu iyo kooxdiisa ayaa ku adkeysanaya in ay doonayaan xabad joojin ku-meel-gaar ah, si iyaga iyo Xamaas ay maxaabiis is dhaafsi u sameeyaan.

Xamaas oo ka jawaabeysa warka Netanyahu ayaa waxay sheegtay in ay diyaar u tahay wada hadalo dhab ah, oo horseedi kara in xabad joojin waarta laga sameeyo gebi ahaanba Marinka Gaza. Xamaas ayaa war ay soo saartay ugu baaqday Madaxweyne Trump in ka bixitaanka Ciidamada Israel ee Gaza ay qayb ka noqoto xabad joojinta Gaza, si looga baaqsado isku dhac dambe oo ciidan.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Saraakiisha Aqalka Cad ay ka caroodeen diidmada Netanyahu ee ku saabsan in xal laga gaaro colaadda Gaza.

Warbaahinta Israel ayaa qoreysa in Mareykanku uu Israel u sheegay in ay u soo diyaargarowdo wada hadalada heshiiska xabad joojinta Gaza iyo sii deynta maxaabiista oo dib u bilaaban doona.

Goor sii horreysay ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in wada hadalada lagu jaangoyn doono soo jeedinta Wakiilka Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff.

Qatar iyo Masar oo ah labada dal ee martigeliya kulamada lagu dhexdhexaadiyo Xamaas iyo Israel ayaa soo saaray bayaan ay ku soo dhaweynayaan askariga la sii daayay iyo tallaabada dhiirigelineysa in wada hadalada dib loo bilaabo.

Mareykanka ayaa markan ka soo horjeedo sii socoshada dagaalka xasillooni darrada u horseeday gobolka ee sanadka iyo dheeraadka ka socdo Gaza iyo in halis la geliyo nolosha Israeliyiinta u xiran iska caabinta Falastiin.

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa lagu ammaanay go’aankooda, si loo badbaadiyo nafo badan, halka taasi bedelkeedana si weyn loo dhaliilayo xukuumadda uu Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu hoggaamiyo.

Qoysaska, ehelada iyo saaxiibada maxaabiista Israeliyiinta ayaa Trump ku tilmaamay hoggaamiye go’aan qaadasho leh, halka Netanyahu ay ku sheegayaan mid aan qaadan karin go’aan uu kula xaajoon karo Xamaas, iyagoo ku dhaliilaya in ay afduub ku haystaan xubnaha xukuumaddiisa ku metela axsaabta midigta fog, oo si weyn uga biyo diidan in la joojiyo dagaalka, iyadoo aan Xamaas laga adkaan.

Xukuumadda wadaagga ee Netanyahu ayaa ku dhisan taageerada axsaabta midigta fog, kuwaas oo ku hanjabaya in ay ridi doonaan dowladda, haddii ay aqbasho xabad joojin waarta.

Netanyahu ayaa wajahaya laba daran mid dooro, waa Mareykanka oo ah dalka ugu weyn xulafada reer galbeed ee Israel ku ilaaliya Bariga Dhexe iyo Wasiirada xagjirka ah ee ku jira xukuumaddiisa, isla-markaana ay isbahaysigooda ku dhisan tahay.

Netanyahu ayaan la aqoon, sida uu uga xeeladeysan doono xujadan horgudban, waxaase la sheegaya in ay ka go’an tahay in uu dhameysto waqtiga ka harsan muddo xileedkiisa, taasna waxay ka hor imaneysaa tanaasulka ay Washington ka dooneyso, si lagaga gudbo xiisadda ka taagan gobolka.

Haddii Netanyahu uu doonayo in uu dhameysto muddo xileedkiisa ayaa waxaa khasab ah in uu u hoggaansamo rabitaanka siyaasiyiinta mayalka adag ee shuraakada kula ah dowladdiisa ee riixaya in la sii wado dagaalka Gaza, waana xilli Netanyahu uu arko in Mareykanku uu wax ka bedelay mowqifkiisii gobolka, taasina aysan u wanaagsaneyn masiirka Israel ee gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc