Dhaca gaadiidka dadweynaha iyo kuwa ganacsiga ayaa ka bilowday waddada xeebta Gobolka Shabellaha Dhexe ee isku xirto Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan oo taageero ka helayo Ciidamada Militariga iyo Macawiisleyda ay gawaarida ku dhacayaan inta u dhaxeyso deegaanada qaar ee hoostaga Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceele ee gobolkaasi.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in maleeshiyadan ay dhaca gaadiidka bilowday Axaddii, isla-markaana ay waddada ka leexsadeen tiro baabuur ah iyo dadkii la socdayba.
Gaadiidka qaar ayaa si lama filaan ah loogu dhacay meel jidka xeebta kaga beegan deegaanka Caddaan-laxey oo hoostaga Degmada Ruunirgood, iyadoo aan la garaneyn goobta loola dhaqaaqay.
Sida laga soo xigtay ilo gobol ku sugan, gawaarida qaar iyo dadkii la socday oo afduub loo haysto ayaa la geeyay duleedka deegaanka Wargaadhi oo hoostaga Degmada Cadale.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyadu ay si gaar ah u bartilmaameedsaneyso gawaarida iyo dadka safarka ah ee ku wajahan deegaanada Galmudug.
Toddobaadkii hore, maleeshiyaad hubeysan ayaa dhowr darawal ku dilay deegaano hoostaga Degmooyinka Cadale, Raage Ceele iyo Aadan Yabaal, keliyana ay u dileen iyagoo heyb ahaan ka soo jeeda Galmudug.
Dhacdooyinkan ayay dadku la xiriirinayaan gaari nooca xamuulka oo daba-yaaqadii bishii April lagu dhacay duleedka Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo dadkii la socday oo loo haysto qaad horey lagu dhacay Degmada Aadan Yabaal, isla-markaana uu lahaa nin ka soo jeeda Galmudug. Qaadkan ayaa la aaminsan yahay in ay dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa militariga oo deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Shabellaha Dhexe, kuwaas oo falka dhaca ah gaystay, ka hor inta aanay Al Shabaab April 16-keedii dagaalka culus kula wareegin degmadaasi.
Hadda waxay xaaladdu u muuqataa mid meel adag gaartay, waxaana min Muqdisho illaa Gobolka Mudug si xoog leh ugu faafay wararaka ku saabsan in jidka loo taagan yahay gaadiidleyda iyo dadka ku safraya waddada, cid illaa iyo hadda wax ka qabatayna aanay jirin.
Guddiga gaadiidleyda ayaa la sheegay in shalay illaa xalay ay la xiriirayeen Saraakiisha Madaxtooyada Hirshabelle, ayna ka codsadeen in arrinta taagan ay soo fara-geliyaan, laakiin aysan illaa iyo hadda wax tallaabo ah qaadin.
Tani ayaa laga cabsi qabaa in ay soo dedejiso in waddada ay xirmato, waana xilli gaadiidleyda gobolada ay markii horeba ka cabanayeen lacagaha faraha badan ee ay ku canshuuraan Maamulada Galmudug, Hirshabelle, Al Shabaab iyo maleeshiyaadka beelaha ee isbaarooyinka u dhigta gawaarida xamuulka iyo kuwa yaryar ee rakaabka qaada.