Madaxweyne Donald Trump ayaa maanta booqasho saddex maalmood ah ku tagi doona Bariga Dhexe, iyadoo ay noqoneyso booqashadiisii ugu horreysay ee gobolka uu ku yimaado, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 20-kii bishii January.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa booqanaya dalalka Sacuudiga, Qatar iyo Emirate-ka Carabta, mana booqan doono maamulka ay xulafada dhow yihiin ee Israel.
Socdaalkiisan ayaa la xiriira iskaashi ku saabsan dhaqaalaha/maalgashiga, difaaca iyo xoojinta xiriirka ay la leeyihiin dalalka Khaliijka, iyadoona qalinka lagu duugi doono heshiisyo cusub.
Madaxweyne Donald Trump ayaa xaqiijinaya in la gaaro heshiisyo dhaqaale oo waaweyn iyo in horumar diblomaasiyadeed laga sameeyo arrimaha saamaynta ku leh gobolka, oo ay ugu horreyso xabad joojinta Gaza.
Madaxweyne Trump ayaa safarkiisa ka bilaabi doona Caasimadda Riyadh oo Talaadadan uu booqanayo, halkaas oo Arbacada uu uga qaybgeli doono Shir Madaxeedka Wadamada Khaliijka, isla-markaana uu isla maalintaas booqan doono dalka yar ee Qatar, wuxuuna Khamiista uu booqashadiisa ku soo geba-gabeen doonnaa dalka Emirate-ka Carabta.
Madaxweyne Trump ayaa is bedel ku sameynaya siyaasaddoodii Bariga Dhexe, si loo dejiyo xiisadda gobolka, inkastoo sida la aaminsan yahay aanay Israel la dhacsaneyn in hoos loo dhigo saamaynteedii gobolka.
Maamulka Trump ayaa habeenkii Axadda heshiis la galay Xamaas, si loogu gogol xaaro in la soo afjaro colaadda Gaza, iyadoo wada hadaladii ay labada dhinac ku yeesheen Magaalada Doha aan lala socod siinin Israel.
Maamulka Trump ayaa sidoo kale 6-dii bishan Xuuthiyiinta Yemen la galay heshiis lagu soo afjarayo weeraradoodii maraakiibta Mareykanka ee mareysa Badda Cas iyo Gacanta Cadmeed, laguna joojinayo duqaymihii uu Mareykanka ka waday dalka Yemen.
Tallaabadan ayaan xitaa laga talagelin Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo xukuumadda uu hoggaamiyo, waana xilli laga dheregsan yahay in Israel ay tahay xulafada ugu muhiimsan ee Mareykanku uu ku leeyahay gobolka.
Mareykanka ayaa tobanaan sano ahaa dalka ugu weyn xulafada reer galbeed ee Israel ku ilaaliya gobolka, waana Mareykanka oo lagu tilmaamo xulafada ugu weyn ee ay Israel maanta ku leedahay caalamka.
Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaan booqan doonin Israel, saddexda cisho ee uu ku sugan yahay Bariga Dhexe.
Fallanqeeyeyaasha ayaa ku doodaya in Trump iyo maamulka haatan ka arrimiya Israel ay kala irdhoobeen, ka dib markii Israel ay bishii April ka hortimid wada hadalada ay Washington la bilowday Tehran, iyadoo aanay Tel Aviv qayb ka ahayn.
Madaxweyne Trump ayaa dadaal ugu jira, sidii loo soo afjari lahaa dhiigga dadka rayidka ah ee ay Israel muddada 19-ka bilood ku daadineyso Marinka Gaza, si loo dejiyo xaaladda kacsan ee gobolka.
Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in Washington ay Tel Aviv ugu yeertay in ay diyaar u noqoto wada hadalada heshiiska xabad joojinta Gaza iyo sii deynta maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza. Duulaanka Israel ee Gaza iyo qaddiyadda qaranimada Falastiin ayaa saamayn togan ku leh gobolka.
Wakiilka Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff ayaa Dowladaha Qatar iyo Masar kala shaqeynaya, sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii Xamaas iyo Israel, si xabad joojin looga hirgeliyo Marinka Gaza.
Hoggaamiyaha Israel, Benjamin Netanyahu oo xalay ka hadlayay sii deynta askariga lagu magacaabo Edan Alexander oo Xamaas ay sii deysay ayaa ku celiyay, sida uu uga soo horjeedo in dagaalka la joojiyo, iyadoo aan laga adkaan sida uu yiri Xamaas.