Home Wararka Maanta Shabaab oo ku guuldareystay in ay furtaan waddada Yasooman iyo Aboorey

Shabaab oo ku guuldareystay in ay furtaan waddada Yasooman iyo Aboorey

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta ku fashilmatay in ay furtaan waddada xiriirisa deegaanada Aboorey iyo Yasooman ee bariga Gobolka Hiiraan, ka dib weerar ay ku qaadeen Ciidanka Difaaca Shacabka ee ku sugan waddadaasi.

Xoogaga Macawiisleyda oo daba-yaaqadii bishii April soo degay waddadan ayaa kala jaray gurmadkii maleeshiyada Al Shabaab ee deegaanada Yasooman iyo Aboorey oo hoostaga Magaalada Buuloburde.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa 6-dii April qabsatay Aboorey, iyadoo maleeshiyadu ay 16-kii bishaasina u suurtagashay in ay la wareegto Yasooman.

Shabaabka ku go’doonsan Yasooman waa qayb ka mid ah, kuwii horey loogu go’doomiyay Aboorey, balse nafiska dareemay, ka dib markii ciidamadu ay si lama filaan ahayd u soo banneeyeen deegaankaasi. Shabaabka oo xilligaasi ay neef weyn ka soo fuqday, kana faa’iideystay fursaddaasi ayaa si dhakhsa ah ula wareegay Yasooman.

Maleeshiyada Shabaabka ayayse dhibaato ka qabsatay in ay Yasooman sii joogaan, bacdamaa ay Macawiisleydu jareen saadkii iyo sahaydii u soo mari lahaa dhinaca waddada ka timaada deegaanka Aboorey, iyadoo Aboorey iyo Yasooman ay yihiin deegaano isa saaran. Aboorey ayaana ah meesha keliya ee wax loo soo marsiin karay, marka aad eegto in ay xiran tahay waddada kale ee ka timaada Moqokori iyo Maxaas.

Shabaabka oo damacanaa in ay furtaan waddada Yasooman iyo Aboorey ayaa weeraray Xoogaga Macawiisleyda ee ku sugan, waxaana halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Wararka ayaa sheegaya in Macawiisleydu ay jilbaha u laabteen maleeshiyadii soo weerartay, isla-markaana ay dib isaga caabiyeen.

Al Shabaab ayaa waxay sheegtay in ay jidka u gashay Ciidanka Difaaca Shacabka oo dhaqdhaqaaq ka waday duleedka deegaanka Yasooman, ayna ka dishay saddex askari, mid kalena ay nolosha ku soo qabatay.

Hase yeeshee dadka deegaanka ee aagga ka ag-dhow ayaa soo sheegaya ay Shabaabku ay iyagu weerar xoogan ku soo qaadeen goobaha ay ciidamadu ka degan yihiin waddada, isla-markaana ay ku dagaalameen dhulka fidsan ee u dhaxeeya Aboorey iyo Yasooman.

Saraakiisha Macawiisleyda ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in Shabaabku ay dib u laabteen, iyagoo kalareysan oo dagaalkana lagu jebiyay.

Waa isku daygii ugu weynaa oo Shabaabku ku doonayeen in ay jidka ku furtaan, taas oo aan u suurtagelin.

Shabaabka ayaa markii hore Yasooman u yimid, iyada oo qorshahoodu uu ahaa in ay la wareegaan waddada Yasooman ku xiriirisa Magaalooyinka Moqokori iyo Maxaas, si la isugu xiro maleeshiyada ku sugan Hiiraan iyo kuwa kale ee ku sugan bariga Gobolka Galgaduud.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc