Militariga Israel ayaa sheegay in dhawaqa seeriga digniinaha ee xalay fiidkii laga maqlay bartamaha Israel uu ka dambeeyay, ka dib gantaal ballaastik oo ay sheegeen in lagaga soo tuuray dalka Yemen.
Seeriga ayaa si weyn looga maqlay magaalooyin ay ka mid tahay Tel Aviv, waxaana la arkayay dadka oo ku yacaalaha meelaha ay gabaadka ka dhigan karaan iyo kuwa kale oo fariistay, isla-markaana seexday sagxadda waddooyinkii ay marayeen.
Seeriga ayaa ah nooc digniin oo dadka loogu sheegayo in uu jiro weerar xagga cirka ah, si ay gabaad u raadsadaan, inta ay xaaladda dhinac u dhaceyso.
Militariga Israel ayaa war ay soo saareen ku sheegay gantaalka oo ka soo dhacay jihada Yemen in si toos ah loogu soo weeraray gudaha Israel, balse nidaamkooda difaaca hawada uu qabtay, xilli uu soo galay hawada Israel.
Adeegga Ambalaasyada Israel ee Magen David Adom ayaa sheegay in ay qaadeen laba qof, oo sida ay sheegeen dhaawacmay, intii ay gabaadka raadsanayeen.
Warbaahinta maxaliga ayaa Saraakiisha Wasaaradda Difaaca ee Israel ka soo xigatay in daqiiqado ka dib uu gantaal labaad ku dhacay meel aad uga fog dhulka Israel. Saraakiishan ayaa sheegay in sababta aan mar labaad seeriga looga maqlin gudaha Israel ay tahay, iyadoo gantaalkaasi looga hortegay meel ka baxsan Israel, isla-markaana aanay muuqan wax khatar ah oo amniga Israel uu ku ahaa.
Ururka Xuuthiyiinta ayaa sheegay in gantaal Hypersonic ah ay ku weerareen Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv. Gantaalkan ayaa ah kuwa guuxooda ka dheereeya.
General Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta ayaa sheegay in Garoonka Ben Gurion uu weli u xiran yahay Yemen, uuna ku celinayo in cid tagi kartaa aanay jirin.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan go’doominta ay ku hayaan Israel, inta Israel ay xasuuqeyso dadka reer Gaza, go’doomintana ay ku hayso.