Home Wararka Caalamka Shacab lagu laayay Marinka Gaza (SAWIRRO)

Shacab lagu laayay Marinka Gaza (SAWIRRO)

by Laacib

Tobanaan qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqaymo ay maanta diyaaradaha dagaalka Israel ka gaysteen xerada qaxootiga Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Israel ay beegsadeen dhismayaal ay degan yihiin dad rayid ah, una badan dad horey looga soo barakaciyay guryahooda.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 53 qof ay ku dhinteen duqaymahaasi, kuwaas oo ay ku jiraan dumar iyo carruur.

Maamulka Isbitaalka Indonesian ee waqooyiga Marinka Gaza ayaa sheegay in 22 ka mid ah dhibaneyaasha ay yihiin carruur.

Militariga Israel ayaan weli ka hadlin duqayntan ay dadka faraha badan ku dhinteen, waxayse Talaadadii xalay ay soo saareen awaamiir lagu barakacinayo shacabka.

Tiro kale oo dad rayid ah ayaa lagu dilay weerar ay Arbacadan Ciidanka Cirka Israel ku qaadeen xerada dadka barakacayaasha ay degan yihiin ee Al-Nahda ee waqooyiga Gaza.

Mohammad Al Dreiny oo ka mid ah dadka ku nool xeradaasi ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay duqeeyeen teendho, taasoo keentay in tiro dad ah ay shahiidaan, kuwa kalena ay dhaawacmaan.

“Carruur kubad ku ciyaareysay meesha ayaa ka mid ah dadka la dilay.” Ayuu yiri Mohammad Al Dreiny.

Dhanka kale diyaaradaha dagaalka Israel ayaa maanta lix gantaal ku garaacay agagaarka Isbitaalka European oo ku yaala nawaaxiga deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza, saacado uun ka dib weerar ay dad badani ku dhinteen oo isbitaalkaasi ay ka gaysteen.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in mid ka mid ah gantaalada lala beegsaday cagaf-cagaf ka shaqeynayay, sidii loo nadiifin lahaa burburka barxadda isbitaalka.

Duqayntii xalay ayaa lagu dilay ugu yaraan 28 qof. Adeeggii caafimaadka ee isbitaalka uu bixinayay ayuu gaabis ku yimid, waxaana xusid mudan in bukaanadu aysan si caadi ah u geli karin dhismaha isbitaalka, gaadiidka gurmadkana aysan ka bixi karin isbitaalkaasi.

Militariga Israel ayaa sheegay in xalay ay bartilmaameedsadeen xarun talis ah, oo sida ay sheegeen ay Xamaas ku leedahay dhulka hoose ee isbitaalkaasi, iyaga oo aan soo bandhigin wax caddeyn ah.

Isla xalay, Militariga Israel ayaa sheegay in ay weerar qorsheysan ku qaadeen Isbitaalka Nasser oo sidoo kale ku yaala Khan Yunis, halkaas oo ay ku dileen laba qof oo uu ku jiro Wariye Falastiini ah oo lagu magacaabayay Hassan Eslaih.

Xafiiska Warfaafinta Gaza ayaa xaqiijiyay dilka Eslaih, kaas oo ay sheegeen in la dilay, isagoo lagu daweynayay isbitaalkaasi, ka dib dhaawac daran oo 7-dii bishii April ka soo gaaray weerar ay Israel ku qaadday teendho ay leeyihiin Wariyeyaasha oo ku dhegan isbitaalkaasi.

Dhakhaatiirka Gaza ayaa sheegay in tan iyo waaberigii maanta ay Ciidamada Israel dileen 84 qof oo shacab ah, isla-markaana ay ku dileen meelo kala duwan oo Gaza ah.

Israel ayaa kordhisay weeraradeeda aan kala sooca lahayn ee Gaza, iyadoo Mareykanku uu ka shaqeynayo wada hadalo ay tahay in lagu soo afjaro colaadda Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc