Home Wararka Caalamka Shiinaha oo dhalleeceeyay Israel, uguna baaqay caalamka in tallaabo la qaado

Shiinaha oo dhalleeceeyay Israel, uguna baaqay caalamka in tallaabo la qaado

by Laacib

Shiinaha ayaa Israel ku eedeeyay in ay Marinka Gaza ka dhigtay meel cadaab ah oo aan lagu noolaan karin, ka dib kororka weeraradeeda militari iyo diidmadeeda in gargaarka la geeyo dhulka go’doonsan.

Safiirka Shiinaha u jooga Qaramda Midoobey, Fu Cong ayaa sheegay in Gaza ay noqotay cadaabta adduunka, isla-markaana ay dadkeedu wajahayaan weerarada naxariis darrada ah ee Israel

“Gaza waxay noqotay cadaabta nolosha. Duqaymaha is daba jooga ah ee Israel ayay maalin kasta waxyeelo ka soo gaareysaa dadka rayidka ah. 7-dii bishan May oo keliya waxaa la dilay in ka badan 100 qof.” Ayuu yiri Safiirka oo intaas raaciyay “Go’doominta la kordhiyay labadii bilood ee la soo dhaafay, kaydkii badbaadada ee Gaza ayaa dhammaaday. Gaajada iyo cudurada faafa, si degdeg ah ayay ugu fidayaan.”

Safiirka oo ka falcelinayay digniinta khubarada caalamiga ah ee haqab-beelka cuntada ay ka soo saareen in Gaza ay macluul ka dhici doonto, haddii aanay Israel qaadin go’doominteeda iyo is hortaageeda gargaarka bani’aadantinimo ayaa sheegay in ku dhawaad nus malyan qof (500,000) ay hadda la ildaran yihiin xaalad gaajo aad u daran ah.

Waxa uu Israel ugu yeeray inay qaaddo xayiraadda gargaarka, isla-markaana aanay raashiinka iyo sahayda dawada u adeegsadan, sida hub oo kale.

Dhanka kale Safiirka Shiinaha ee Qaramada Midoobey ayaa dhalleeceeyay qorshaha socda ee la doonayo in shirkado gaar ahi loogu wareejiyo keenista iyo qaybinta ee gargaarka bani’aadantinimo ee Marinka Gaza.

Golaha Wasiirada Amniga ee Israel ayaa 4-tii bishan ansixiyay hindise cusub, kaas oo gargaarka loogu wareejinayo shirkado gaar loo leeyahay oo raashiin qaybin ka sameeya gudaha Gaza, qorshahaas oo Mareykanku uu u muuqdo inuu taageeray.

Safiirka Shiinaha oo aan soo hadal qaadin Mareykanka ayaa sheegay in dal gaar ah uu soo jeediyay, waxa loogu yeero qorshaha qaybinta bani’aadamnimada, isagoona xusay in Hay’adaha Qaramada Midoobey ay si cad isaga diideen in ay ka qayb qaataan.

“Kaalmada bani’aadantinimo waa in aan la hubeyn, waana in mar walba la ilaaliyaa mabaadi’da madaxbannaanida iyo dhexdhexaadnimada.” Ayuu yiri Danjire Fu Cong.

Waxa kaloo uu yiri “Israel waa in ay fulisaa waajibaadkeeda sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, iyada oo si degdeg ah u qaadeysa xanibaadda iyo soo celinta helitaanka sahayda.”

Isaga oo fahamsan in Israel aysan baaqooda dhageysan doonin ayaa waxa uu yiri “Waxaan ugu baaqaynaa Beesha Caalamka inay awoodeeda isugu gayso, sidii loo qaadi lahaa tallaabooyin degdeg ah, si loo soo afjaro masiibada bani’aadantinimo ee Gaza.”

Danjire Cong ayaa leh “Shiinuhu wuxuu sii wadi doonnaa inuu la shaqeeyo Beesha Caalamka, annaga oo dadaaladayada aan kala go’a lahayn u samayn doono in la soo afjaro dagaalka Gaza, yareynta masiibada bani’aadantinimo iyo hirgelinta xalka labada dowladood oo ugu dambayntii lagu gaaro xal dhamaystiran, cadaalad ah iyo xalinta waarta ee su’aasha Falastiin.”

Xaaladda bani’aadantinimo ee Falastiiniyiinta reer Gaza ayay hay’aduhu ku sheegeen mid aad looga walaaco, maadaama laga soo bilaabo 2-dii bishii March illaa iyo hadda aanu wax gargaar ah gelin Marinka Gaza.

Dunida ayaa ku guuldareysatay in lala xisaabtamo Israel, iyadoo weliba fahamsan in Israel aysan ahayn dowlad ixtiraamta xuquuqda aadanaha, si joogta ahna ugu xadgudubta shuruucda caalamiga ah.

Hase yeeshee tan iyo bilowgii dagaalka Gaza, wacyiga bulshada caalamka ayaa aad u kordhayay, waxayna keentay in Israel ay la kulanto falcelintii ugu weyneyd ee ay ebid wajahdo, inkastoo aanay gaarsiisaneyn heerkii loo baahnaa, si gacmaha loo qabto, loogana joojiyo dembiyada ay gaysaneyso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc