Home Dhacdooyin Shirkadaha diyaaradaha ee ajnabiga oo amni darro uga fogaanaya hawada Israel

Shirkadaha diyaaradaha ee ajnabiga oo amni darro uga fogaanaya hawada Israel

by Laacib

Shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ayaa kordhinaya muddada aanay wax duulimaad ah ku tagi doonin gudaha Israel, iyagoo ka walaacsan xaaladda amni ee Israel, ka dib markii Xuuthiyiinta Yemen ay kordhiyeen weeraradooda ka dhanka ah Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion, oo ah midka ugu weyn Magaalada Tel Aviv.

Duulimaadyada caalamiga ah ayaa horaantii bishan sheegay inay hakinayaan safaradoodii Israel, ka gadaal markii Xuuthiyiinta ay gantaal la beegsadeen xeendaabka garoonkaasi.

Shirkadaha ayaa xilligaasi sheegay in 14-ka illaa 15-ka May ay qiimeynayaan xaaladda, in la tagi karo Tel Aviv iyo in kale, iyagoona haatan garowsaday inaanan la tagi karin, ka dib weeraradii gantaal ee ay Xuuthiyiinta Talaadadii iyo Arbacadii shalay ku qaadeen magaalada ugu weyn Israel ee Tel Aviv. Weeraradan ugu dambeeyay ee Xuuthiyiinta ayaa lagu macneeyay digniin ku socota shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah, si ay uga fogaadaan la macaamilka Israeliyiinta.

Garoonka ayaa waxaa hadda si ku-meel-gaar ah duulimaadyo ugu taga diyaarado ay leeyihiin Israeliyiinta, si dunida loogu muujiyo in garoonku aanu si buuxda u xirman.

Shiradaha diyaaradaha ee Yurub, Mareykanka iyo qaar ka mid ah dalalka Asia ayaa la sheegaya in ay Israel ku wargeliyeen in illaa bisha July aanay wax duulimaad ah ku iman doonin Tel Aviv, sababtu tahay amniga hawada Israel oo aan la isku halayn karin.

Warbaahinta maxaliga ayaa ku warameysa in Wasaaradda Gaadiidka Israel ay dadaal ugu jirto, sidii shirkadahaasi ay u sii wadi lahaayeen duulimaadyadooda, balse aanu jirin wax illaa iyo hadda heshiis lagu yahay oo la gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in shirkadaha diyaaradaha ee ajnabiga ah ay wasaaraddaasi ka dalbadeen inay ku dhawaaqdo xaalad ammaan oo gaar ah, oo ku saabsan in Israel ay bixin doonto magdhowga rakaabka iyo diyaaradaha, khatar kasta oo hawadeeda ay kala kulmaan, si dib loogu bilaabo adeegga duulimaadka ee Israel.

Shirkadaha ayaa ku adkeysanaya in loo sameeyo ballanqaad ah in ay magdhow heli doonaan, ka hor inta aanay dib u bilaabin duulimaadyadii ay ku tagayeen Israel, taasoo Israel ay si uun uga caga-jiideyso.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa toddobaad ka hor ku dhawaaqay in garoomada Israel, gaar ahaan Garoonka Ben Gurion uu iyagu u xiran yahay, iyagoo kordhinaya go’doominta ay ku hayaan Israel, si loogu cadaadiyo inay joojiso xasuuqeeda Gaza iyo diidmadeeda gargaarka bani’aadantinimo ee dadka la gaarsiinayo.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa shirkadaha shisheeye ku booriyay in ay ixtiraamaan go’aankaasi, iyagoona ka fogaanaya hawada Israel.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa ku celiyay in aanay aqbali doonin weerarada uga imanaya Xuuthiyiinta Yemen iyo in la carqaladeeyo amniga Israel, isagoo daba jooga heshiiskii xabad joojinta ee Mareykanka iyo Xuuthiyiinta.

Xuuthiyiinta ayaa 6-dii bishan ogolaaday inaysan weerarin maraakiibta Mareykanka, si Ciidamada Mareykanka ay u joojiyaan duqaymihii ay ka gaysanayeen dalkaasi Yemen.

Madaxa Wada-xaajoodka Xuuthiyiinta, Mohammed Abdul-Salam ayaa sheegay in heshiiska aanay qayb ka ahayn Israel, waxaana uu carabka ku adkeeyay in ay sii wadi doonaan weeraradooda ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta.

Xuuthiyiinta ayaa ah garabka ugu weyn ee militari, isla-markaana aan dowliga ahayn ee ka jira Gobolka Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc