Home Wararka Caalamka Raysal Wasaare Netanyahu oo si adag ugu jawaabay Madaxweynaha Faransiiska

Raysal Wasaare Netanyahu oo si adag ugu jawaabay Madaxweynaha Faransiiska

by Laacib

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Emmanuel Macron, ka dib markii Madaxweynuhu uu dhalleeceeyay xaninaadda Israel ee gargaarka Gaza.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa go’aanka xukuumadda uu Netanyahu hoggaamiyo ku tilmaamay mid ceeb ah, isagoona yiri “Waxaan si xoogan u sheegaya, waxa ay Xukuumadda Benjamin Netanyahu ay maanta sameynayso inuu yahay wax aan la aqbali karin. Ma jirto dawo, mana soo saari karno kuwa dhaawaca ah, dhakhaatiirtuna ma geli karaan Gaza. Waxa uu Netanyahu sameynayo waa wax ceeb ah, waa ceeb.”

Hoggaamiyaha Israel ayaa Madaxweyne Macron ku dhalleeceeyay in uu la safan yahay urur argagixiso oo Islaami ah oo gacan ku dhiigle ah, oo uu ula jeedo Ururka Xamaas ee Falastiin.

“Macron waxa uu mar kale doortay in uu garab istaago urur argagixiso oo Islaami ah oo gacan ku dhiigle ah, wuxuuna ku celcelinayaa dacaayaddeeda foosha xun, isaga oo Israel ku eedeynaya dad dhiig miirato ah.” Ayuu yiri Netanyahu.

Netanyahu ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay “Halkii uu taageeri lahaa xerada dimoqraadiga ah ee reer galbeedka ee la dagaalanka ururada argagixisada ee Islaamiyiinta ah, kuna baaqi lahaa sii deynta la haysteyaasha, Macron waxa uu mar kale dalbanayaa in Israel ay isa soo dhiibto, laguna abaalmariyo argagixisada.”

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa ku goodiyay in Israel aanay fasixi doonin gargaarka, isla-markaana aysan is dhiibi doonin.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Israel ay sii wadi doonaan dagaalka Gaza, isla-markaana ay Israel ka go’an tahay inay xaqiijiso ujeedooyinkeeda dagaalka, oo ay ugu horreyso sida uu yiri wiiqitaanka Xamaas, dib u soo celinta la haysteyaasha iyo in la hubiyo in Gaza aysan weligeed khatar ku noqon Israel.

Netanyahu ayaa iska indha tiraya masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza oo dhan iyo in dadka Gaza ay wajahayaan gaajo daran, oo ay u dheer tahay duqaymaha aan kala joogsi lahayn ee lagu leynayo, dawo la’aanta iyo burburinta ay ciidamadiisu ku hayaan goobaha caafimaadka.

Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ayaa sheegay in xayiraadda Israel ee gargaarka ay Gaza ka abuurtay xaalad bani’aadantinimo oo aad u khalafsan.

Khubarada caalamiga ah ee haqab-beelka cuntada ayaa toddobaadkan soo saaray digniin adag, oo ay ku sheegayaan in Gaza ay u badan tahay in macluul ay ka dhici doonto, haddii Israel aysan qaadin go’doominteeda iyo is hortaageeda gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza, isla-markaana aanay joojin weeraradeeda militari ee ka dhanka ah shacabka aan hubeysneyn.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa mar kale ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda lagu hoobtay ee Gaza.

Xoghaye Guterres ayaa Arbacadii dunida ku booriyay in la helo waddo aan laga laaban karin, oo loo maro xalka laba dal oo deris ah, isla-markaana ay leeyihiin Israeliyiinta iyo Falastiiniyiinta.

150 ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobey ayaa horey u qiray inaanan laga gudbi karin ququlatooyinka Gobolka Bariga Dhexe, haddii aan la xaqiijin qaddiyadda qaranimada Falastiin.

Faransiiska oo ugu dambeeyay ayaa bishii la soo dhaafay ee April ku dhawaaqay in uu aqoonsan doono Dowladnimada Falastiin, iyagoo aaminsan inay gobolka u horseedi doonto xal siyaasadeed oo waara.

Madaxweyne Macron ayaa ku dhawaaqay in Faransiisku uu qorsheynayo inuu Falastiin u aqoonsado dowlad ahaan, bisha June ee sanadkan.

Xukuumadda Netanyahu ayaa cambaareysay go’aanka uu Faransiisku ku aqoonsanayo dowlad ay leeyihiin Falastiiniyiinta.

Netanyahu ayaa marar badan ku hanjabay inaanan la xaqiijin doonin dhismaha dowlad deris la ah Israel, inta uu xafiiska joogo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc