Home Dhacdooyin Hooyo korineysay saddex carruur ah oo lagu dilay Magaalada Beledweyne

Hooyo korineysay saddex carruur ah oo lagu dilay Magaalada Beledweyne

by Laacib

Hooyadan oo korineysay saddex carruur ah, laba wiil iyo gabar ayaa maanta lagu dilay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in askari ka tirsan Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda uu haweeneydaasi ku dilay xaafadda Kooshin ee magaaladaasi.

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Sagal Shariid Muxumed ayaa xaafadaaasi ku lahayd goob shaaha laga cabo, isla-markaana ay fariistaan dadka deegaanka iyo ciidamadaba.

Dadkii goobta ka ag-dhawaa ayaa sheegay in askarigu uu haweeneydaasi ku dul dilay miiskii ay shaaha ku karineysay.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya sababta uu askarigu ku dilay haweeneydaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in uu si ku talagal ah u dilay, halka warar kalena ay sheegayaan in ay xabad kaga fakatay.

Dadka qaar oo Warbaahinta kula hadlay agagaarka goobtii uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in wax wada hadal ah aanu dhex marin askariga iyo marxuumadda, taas oo keentay in dadku ay shaki ka muujiyaan asbaabta dilkeeda.

Dadka kale ee ku doodaya in askarigu uu si bareer ah u dilay marxuumadda ayaa su’aal ka keenay sababta uu ninkaasi uga baxsaday gacanta sharciga.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in askarigu uu goobta ka baxsaday, ka hor inta aanay soo gaarin ciidamada amniga.

Dhacdadan ayaa hadal hayn badan ka dhalisay Magaalada Beledweyne, iyadoo shacabkuna ay ka walaacsan yihiin masiirka carruurtii ay ifka uga tagtey ee ay koriimadooda dabka u shidatay.

Maamulka Gobolka Hiiraan, kan degmada iyo hay’adaha amniga ayaan illaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin dilka uu askarigu u gaystay hooyadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc