Home Dhacdooyin Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Baraawe

Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Baraawe

by Laacib

Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax xoogan oo maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhacay garoonka, wax yar uun ka dib, markii ay ka soo caga-dhigatay diyaarad sidday qaad.

Qaraxa ka dib ayaa la sheegay in garoonku uu galay xaalad ka duwan sidii hore, isla-markaana ay istaageen dhaqdhaqaaqyadii ka jiray.

Deeq Cumar Saalax oo ka mid ah Xubnaha Golaha Deegaanka ee Baraawe ayaa xaqiijiyay in qaraxu uu ka dhacay gudaha garoonkaasi, isla-markaana uu gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Masuuliyiinta iyo shaqaalaha garoonkaasi ayaa bilaabay in ay u gurmadaan dadkii ku dhintay qaraxaasi iyo kuwii kale ee ku dhaawacmay.

Toddobo qof oo shacab ah ayaa la ogyahay in ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, iyadoo dadka ay xaaladdoodu liidato loo soo qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho.

Labada qof ee qaraxa ku dhintay oo niman dhallinyaro ahaa ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cumar Carabey iyo Cabdi Cali Guure.

Qaraxan ayuu sidoo kale burbur ka soo gaaray gawaari tiilay garoonkaasi, xilligii uu qaraxu ka dhacayay garoonka. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in gaari NOAH ah qaraxa lagu keenay garoonkaasi, iyadoo gaarigu uu si xun ugu burburay qaraxaasi.

Qaraxa ayaa u muuqday in uu bartilmaameedkiisu ahaa ganacsatada qaadka ee Degmada Baraawe, maadaama dhibaneyaasha ay u badan yihiin dad ganacsato ah.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxan ayaa sheegtay in maleeshiyadeeda ay qarax ka fuliyeen gudaha Garoonka Diyaaradaha Baraawe, isla-markaana ay beegsadeen gaari ay la socdeen askar, ayna u gaysteen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Xildhibaan Deeq Cumar Saalax ayaase beeniyay sheegashada Al Shabaab, isagoona sheegay in dadka ay dhibaateeyeen ay dhammaantood shacab yihiin.

Su’aalo ayaa ku gadaaman qaabka ay Shabaabku ku soo gaareen garoonkaasi iyo sida ay ugu suurtagashay in qarax ceynkaasi oo kale ah ay ka gaystaan.

Amniga garoonkan ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Hawlgalka ATMIS, kuwaas oo Dowladda Soomaaliyeed haatan si ku-meel-gaar ah uga la shaqeynaya howlaha sugidda amniga, illaa iyo inta laga gaarayo bisha June, markaas oo dalalka xubnaha ka ah hawlgalka cusub ee AUSSOM ay soo dhameystiri doonaan ciidamadooda ka midka noqonaya hawlgalkan, oo Dowladda Federaalka looga caawinayo sugidda amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab.

Baraawe ayaa waxay ahayd taliska dhexe ee Al Shabaab, ka hor inta aan dagaal looga saarin bishii October ee sanadkii 2014. Al Shabaab ayaa waxay xilligaasi xarunteeda ugu weyn ee Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya ay u rartay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc