Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baghdad kaga qaybgalay Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baghdad kaga qaybgalay Shirka Jaamacadda Carabta

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Baghdad kaga qaybgalay Meertada 34aad ee Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha Somaliya ayaa khudbad ka jeediyay shirka sanadkan lagu qabanayo dalkaasi Ciraaq, isagoona ka hadlay xaaladda dalka, mowqifka Dowladda Federaalka ee arrimaha gobolka iyo Carabta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu khudbaddiisa kaga hadlay mowqifka joogtada ah ee Somaliya ee ku aaddan qaddiyadda Falastiin, wuxuuna sheegay in Somaliya ay garab taagan tahay shacabka Falastiin, xilligan adag oo Falastiiniyiinta reer Gaza ay wajahayaan weerarada arxan darrada ah ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza.

“Qaddiyadda Falastiin waa imtixaan ina horyaal Carabteenna. Soomaali ahaan waxaan qabnaa in la dhiso Dowlad Falastiin ah oo madaxbannaan, caasimaddeeduna ay tahay Magaalada Qudus.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale soo dhaweeyay cunaqabateynta uu Mareykanka ka qaaday dalka Suuriya, waxaana uu tani ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojineysa dib u soo kabashada dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambayn muujiyay taageerada Somaliya ee midnimada, madaxbannaanida iyo dowladnimada dalka Suudaan, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ilaaliyaan wadajirka shacabka Suudaan iyo xasiloonida dalkaasi.

Dagaalka sokeeye ee dalkaasi ayaa u dhaxeeya Hoggaamiyaha Golaha Talada ee Suudaan, General Abdel Fattah Al Burhan iyo kuxigeenkiisii hore General Mohamed Hamdan Dagalo, oo hadda ah Hoggaamiyaha Xoogaga RSF.

Ciidamada Militariga ee ka amar qaata General Burhan iyo Xoogaga RSF ayaa tan iyo 15-kii bishii April ee sanadkii 2023 ku dagaalamaya dalkaasi, iyadoona labada janan ay ku dagaalamayaan awoodda dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc