Home Dhacdooyin Taliyihii Guutada Cali Bin Abii Daalib oo lagu dilay Gobolka Hiiraan

Taliyihii Guutada Cali Bin Abii Daalib oo lagu dilay Gobolka Hiiraan

by Laacib

Taliyihii Guutada 26aad ee Cali Bin Abii Daalib ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale ayaa maanta lagu dilay xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada uu toogtay Taliyaha, xilli uu Taliyuhu hawlgalinayay ciidamada oo maleeshiyada Al Shabaab kula dagaalamayay inta u dhaxeyso Degmooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal, gaar ahaan meel ku dhow deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga Degmada Moqokori.

Lama oga sababta ka dambeysay in askarigu uu toogto taliyihiisii, mana jirto cid illaa iyo hadda ka hadashay dilkiisa oo ka tirsan masuuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Saraakiisha ku sugan jiidda hore ee gobolkaasi ayaa laga soo xigtay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen askarigii dilka gaystay, welina ay gacanta ku hayaan.

Taliye Xujaale ayaa xubin firfircoon ka ahaa Saraakiisha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo ka hawlgala labada gobol ee Hirshabelle (Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe), isagoona muddooyinkan si gaar ah uga shaqeynayay Gobolka Hiiraan.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Taliye Xujaale uu bartamihii bishii January gaaray Gobolka Hiiraan, si uu wax uga hoggaamiyo wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka oo 27-kii bishaasi ka bilowday deegaanada bariga gobolkaasi ee dhaca jiinka Webiga Shabelle.

Hawlgalkan ayaa toddobaadyo ka dib ka socon waayay weeraradii ay Al Shabaab culeyska ku soo saartay deegaanadii xorta ahaa ee bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.

Al Shabaab ayaa weeraradaasi ku qabsatay dhul ballaaran oo horey looga saaray, taas oo keentay in Militariga Somaliya uu ciidamadii qaar ee hawlgalka ka waday Gobolka Hiiraan uu u daabulo gobolkaasi, si loo joojiyo weeraradii is ballaarinta ee Al Shabaab.

Dilkiisa ayaa imanaya, iyadoo ciidamadu ay wadaan dhaqdhaqaaq ay ugu diyaargaroobayaan hawlgal uu qorshuhu yahay in Shabaabka lagaga riixo deegaanada Hirshabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc