Home Wararka Maanta Ciidamada oo hawlgal ka sameeyay duleedka Degmada Baraawe

Ciidamada oo hawlgal ka sameeyay duleedka Degmada Baraawe

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa maanta hawlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaano hoostaga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, xilli maanta uu qarax ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Baraawe.

Ciidamada ayaa waxay hawlgalkan ka sameeyeen Xarshaanley iyo Buur-colow oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalo xeebeedka Baraawe.

Ciidamadan oo ka dhaqaaqay saldhigyadooda Baraawe ayaa gudaha u galay deegaanadaasi, iyadoo aanay wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyada Al Shabaab.

Shabaabka ayaa mararka qaarkood si qarsoodi ah ku yimaada deegaanadaasi, iyagoona dadka deegaanka ka qaada xoolo Zakaawaat ah, ugana diga in ay la shaqeeyaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaan wax saldhig ah ku lahayn deegaanadan, balse ay dhowrkii biloodba mar hawlgal u aadaan.

Hawlgalkan ayaa imanaya, iyadoo maanta ay Al Shabaab qarax ka gaysatay gudaha Garoonka Diyaaradaha Baraawe, oo ay ku dhinteen laba qof, toddobo kalena ay ku dhaawacmeen.

Al Shabaab waxay sheegtay in maleeshiyadeeda ay beegsadeen gaari ay la socdeen ciidamada, isla-markaana ay dileen laba askari, kuwo kalena ay dhaawaceen.

Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Hawlgalka ATMIS oo gacanta ku haya amniga garoonkan ayaan la aqoon, sida Shabaabka ay ugu suurtagashay in ay qarax ka gaystaan.

Baraawe ayaa qiyaastii 220km jihada koonfureed uga beegan Magaalada Muqdisho, waxayna Baraawe ku magacaaban tahay Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, inkastoo maamulku uu haatan si ku-meel-gaar ah ugu shaqeeyo Magaalada Baydhabo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc