Home Wararka Maanta Dagaal mar kale lagu jebiyay Al Shabaab oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Dagaal mar kale lagu jebiyay Al Shabaab oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta uu dagaal culus ka dhacay nawaaxiga deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley iyo maleeshiyada Al Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka gadaal markii maleeshiyada Shabaabka ay duhurnimadii maanta soo weerareen fariisimaha ay ciidamadu ku leeyihiin inta u dhaxeyso Degmooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal ee Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu ahaa mid dhowr jeer la isku soo noqnoqday, isla-markaana uu soo gaaray fiidnimadii caawa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay jilibka u laabteen weerarkaasi, isla-markaana ay ku fara adeygeen, sidii ay halkaasi u sii joogi lahaayeen.

Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegayaan in Shabaabku ay isku dayeen in ay dagaal kula wareegaan goobta, si ay uga sii gudbaan dhinaca deegaanka Ceel-hareeri, balse aanay u suurtagelin.

Wararka laga helayo aagga ayaa sheegaya in ciidamadu ay gurmad xoog leh ka heleen meelo kala duwan oo Gobolka Hiiraan ah, taasna ay Shabaabku ka hor istaagtay in ay xaqiijiyaan hadafkii ay goobta u soo weerareen.

Shabaabka ayaa 2-dii bishan weerar dhowr jiho leh ku qaaday deegaanka Ceel-hareeri iyo goobaha ku dhow dhow, iyadoo uuna ujeedkoodu ahaa in ay dagaal ku qabsadaan deegaankaasi, laakiin ay ku fashilmeen.

Shabaabka ayaa damacsan in ay culeyska ka qafiifiyaan maleeshiyadooda ku go’doonsan deegaanka Yasooman oo hoostaga Magaalada Buuloburde ee bariga Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyadan ayaa 16-kii bishii hore ee April qabsatay Yasooman, ka dib markii ay ka yimaadeen dhinaca deegaanka Aboorey oo deris la ah deegaankaasi. Xoogaga Macawiisleyda ayaa daba-yaaqadii bishii April soo degay waddada u dhaxeyso deegaanadaasi, waxayna kala jareen dhaqdhaqaaqii Al Shabaab ee Yasooman iyo Aboorey.

Aboorey ayaa ahayd meesha qura ee saadka, sahayda iyo gurmadka uga imaan karay maleeshiyada ku go’doonsan Yasooman, bacdamaa ay horeyba u xirneyd waddada Yasooman ee aadda dhinaca Moqokori iyo Maxaas.

Maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan Yasooman ayaa Talaadadii weerartay Macawiisleyda ku sugan dhulka fidsan ee u dhaxeeya Yasooman iyo Aboorey, waxayse ku guuldareysteen in ay waddada furtaan, si ay u helaan meel uu saadka iyo sahayda u soo maro.

Qorshaha maleeshiyadu u timid Yasooman ayaa ahaa in ay la wareegaan waddada Yasooman ku xiriirisa Moqokori illaa Maxaas ee dhinaca kalena u furan bariga Gobolka Galgaduud.

Shabaabka isku dayaya in ay culeyska soo saaraan deegaanada hoostaga Degmada Moqokori ayaa doonaya in ay isku xirmaan maleeshiyadooda ku sugan Yasooman, ha yeeshee ay ka hortaagan yihiin Ciidamada Militariga iyo Macawiisleyda.

Dagaalkan ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay nawaaxiga deegaanka Ceel-hareeri ayay wararku sheegayaan in lagu dilay labaatan nin oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka, ciidamadana ay kaga dhinteen illaa shan askari.

Waa mid ka mid ah dagaaladii ugu qaraaraa ee muddooyinkan labada dhinac ku dhex mara gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc