Home Wararka Maanta Nin dhallinyaro ahaa oo lagu dhex dilay xafiiskiisa Magaalada Baydhabo

Nin dhallinyaro ahaa oo lagu dhex dilay xafiiskiisa Magaalada Baydhabo

by Laacib

Askari ka tirsan ciidamada amniga ayaa Sabtidii nin dhallinyaro ahaa ku dilay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyadoo dhinaca kalena ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen askarigaasi.

Wararka ayaa sheegaya in askarigu uu ninka dhallinyarada ah ku dhex dilay xafiiskii uu ka shaqeynayay oo ku yaala xaafadda Cadaadda ee waqooyiga magaaladaaasi.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Abshir Xasan Cabdiraxmaan (Abshir Gaab) ayaa ahaa shaqaale ka tirsan hay’adda arrimaha samafalka ka shaqeysa ee Juba Foundation ee xarunteeda Baydhabo. Hay’addan ayaa ah mid maxali ah oo dalka ka diiwaan-gashan.

Wararka ayaa sheegaya in askariga oo horey uga tirsanaa Ilaalada Madaxtooyada Koonfur Galbeed uu muddooyinkii u dambeysay ka mid ahaa askarta ilaalisa Xarunta Hay’adda Juba ee Baydhabo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga iyo marxuumka ay murmeyn, ka hor inta aanu rasaas huwin.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen askarigaasi, isagoo welibana dhaawac qaba.

Sarkaal ka tirsan Booliska Baydhabo, isla-markaana codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa Dhacdo.com u sheegay in askariga laga soo saaray isbitaalkii lagu daweynayay, maadaama dhaawiciisu uu yahay mid fudud.

Sarkaalkan ayaa ku waramaya in laamaha amniga ay su’aalo weydiinayaan ninkaasi, marka baaritaankooda ay soo geba-gabeeyaana ay horgayn doonaan maxkamadda awoodda u leh kiiskiisa.

Allaha u naxariistee Abshir Gaab oo ka mid ahaa dhallinta Baydhabo ayay geeridiisu ka naxeen dadka deegaanka.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada dalka ka dhisan ayaa si joogta ah ugu lug leh dilka shacabkii ay ahayd in amnigooda ay sugaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc