Home Wararka Maanta Ciidanka Xoogga Dalka oo guluf dagaal ku qaaday Degmada Aadan Yabaal

Ciidanka Xoogga Dalka oo guluf dagaal ku qaaday Degmada Aadan Yabaal

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa Difaaca Shacabka ayaa waxay markii u horreysay u muuqdaan kuwo ku sii siqaya Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe, tan iyo markii maleeshiyada Al Shabaab ay 16-kii bishii April dagaal culus kula wareegeen gacan ku haynta degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo ka soo ruqaansaday duleedka Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ay ka gudbeen xuduudda labada gobol, isla-markaana ay ku sii guur-guuranayaan degmada istiraatiijiga ah ee Aadan Yabaal.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa u qalab qaatay degmadaasi, ka dib markii Sabtidii ay fashiliyeen weerar xoogan oo Al Shabaab ay dooneysay in ay kula wareegto fariisimaha ciidamadu ku leeyihiin duleedka deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga Degmada Moqokori, isla-markaana saaran xuduudda labada gobol ee Hirshabelle.

Saraakiisha Militariga ayaa ogaaday in maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan duleedka Degmada Aadan Yabaal ay mar kale weerar ku soo tahay Ceel-hareeri, sidaasi daraadeedna uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka amar ku bixiyay in gacanta lagaga hormaro, iyadoo la xoreynayo degmadaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu iyo Shabaabka ay saacadihii la soo dhaafay dhowr jeer isku fara-saareen inta u dhaxeyso Moqokori iyo Aadan Yabaal iyo weliba Aadan Yabaal iyo Alkowsar.

Ilo wareedyada ayaa waxay sidoo kale sheegayaan in ciidamadu ay u muuqdaan kuwo aan illaa iyo hadda la hakin karin safarka socodkooda.

Goor sii horreysay oo maanta ah Xoogaga Macawiisleyda ayaa jaray gurmadkii Shabaabka Aadan Yabaal uga iman karay dhinaca Degmada Alkowsar, ka dib markii xoogagaasi ay waddada u galeen maleeshiyaad gurmad ugu ahaan uga soo baxday Alkowsar, oo adeegsaneysay waddada hawdka ee Alkowsar.

Dadka ku dhaqan Degmada Alkowsar ayaa soo sheegaya in Al Shabaab ay abaabul ciidan ka waddo degmadaasi, si ay culeyska uga qafiifiyaan gulufka ku wajahan degmada deriska la ah ee Aadan Yabaal.

Lama oga, sida gurmadka Alkowsar ay ku soo gaari karaan Aadan Yabaal, haddii Ciidanka Difaaca Shacabka ee dhulka lala garanaya ay ku daadsan yihiin waddada hawdka ee Alkowsar, oo ah meesha uu gurmadka Alkowsar u soo mari karo dhinaca Aadan Yabaal.

Shabaabka ayaan aalaaba isticmaalin waddooyinka caadiga ah ee la maro, bacdamaa ay ogyihiin in ay beegsan doonaan diyaaradaha dagaalka. Shabaabka ayaase weli gurmad ka heli kara dhinaca deegaanka Boos-hareeri oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal.

Shabaabka ayaa la qiyaasayaa in ay samayn doonaan wax kasta oo ay ku difaacan karaan degmadan oo ku taala meel istiraatiiji ah.

Al Shabaab ayaa qabsashadeeda degmadaasi uga faa’iideysatay cueyskii ay dhawaan maleeshiyadeeda soo saareen deegaanadii xorta ahaa ee bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.

Al Shabaab ayay bartamihii bishii April u suurtagashay in 28 bilood ka dib ay ku soo laabato degmadaasi, oo muddo dhowr iyo toban sano ah ay ka arrimineysay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xusuustaa in 1-dii bishii January ee sanadkii 2023 uu ku dhawaaqay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen degmadaasi, ka dib maalmo ay guluf xoogan ku hayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc