Home Wararka Maanta Dowladda oo sheegtay in Al Shabaab lagu baacsanayo Gobolka Shabellaha Dhexe

Dowladda oo sheegtay in Al Shabaab lagu baacsanayo Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in in ka badan 70 xubnood oo maleeshiyada Al Shabaab ka tirsan lagu dilay dagaaladii Sabtidii iyo Axaddan ka dhacay deegaanada dhaca xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ay maleeshiyadaasi ku jebiyeen weeraradii ay ku soo qaadeen deegaanada xuduudda.

“Geesiyaasha Qaranka waxay Khawaarijta ku jebiyeen isku dayadii ay ku doonayeen in ay isku ballaariyaan, waxaana ay hadda ku baacsanayaan deegaano ka tirsan Shabellaha Dhexe.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa intaas ku daray “Dowladda Federaalka Somaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo halgamayaasha reer Hiiraan ee cagta mariyay damaca Khawaarijta, isla-markaana muujiyay geesinimo iyo adkeysi.”

Maleeshiyada Shabaabka ayaa Sabtidii weerar xoogan ku ekeeyay fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ay ku leeyihiin nawaaxiga deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, isla-markaana saaran xuduudda.

Shabaabka oo weerarka ka soo qaaday duleedka Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa iska caabin xoog badan kala kulmay ciidamada, iyadoona lagu khasbay in ay dib u gurtaan.

Ciidamada Militariga iyo Macawiisleyda ayaa maanta cagta saaray waddada aadda Degmada Aadan Yabaal, ka dib markii Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ay ogaadeen in Al Shabaab ay mar kale weerar ku soo tahay Ceel-hareeri.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay markii ugu horreysay aad ugu dhawaadeen degmadaasi, tan iyo markii Shabaabku ay 16-kii bishii April dagaal culus kula wareegeen gacan ku haynta degmadan, oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ay xoreeyeen, intii uu socday wejiga koowaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka oo Al Shabaab lagaga saaray inta badan deegaanadii ay ka haysatay Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug, inkastoo maleeshiyadu ay dib ugu soo laabatay qayb ka mid ah dhulkii la xoreeyay.

Dhanka kale xaalad kacsanaan ah ayaa laga soo sheegaya degmadaasi iyo degmada ku dhow ee Alkowsar, oo labaduba ay Shabaabku ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan.

Dadka reer Aadan Yabaal oo intooda badan ku barakacay dagaalkii bishii hore, maalmahaana dib ugu soo laabanayay guryahooda ayaa ka baqdin qaba in mar kale lagu dul dagaalamo.

Shabaabka ayaa maleeshiyadooda u abaabulaya, sidii ay u difaacan lahaayeen degmadaasi, oo ku dhawaad muddo shan toddobaad ah ay hadda ku sugan yihiin.

Al Shabaab ayaa dhowr iyo toban sano maamuleysay Degmada Aadan Yabaal, ka hor inta aan laga saarin 1-dii bishii January ee sanadkii 2023.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc