Home Wararka Maanta Guudlaawe oo ciidamada u sheegay in la qaadayo guluf cusub (SAWIRRO)

Guudlaawe oo ciidamada u sheegay in la qaadayo guluf cusub (SAWIRRO)

by Laacib

Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ku booriyay in ay dardargeliyaan la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab, isagoo dhinaca kalena Saraakiisha Ciidamada u sheegay in guluf cusub la qaadi doono.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa maanta ciidamada ku booqday jiidaha hore ee Gobolka Shabellaha Dhexe, xilli ciidamadu ay gobolkaasi ka wadaan hawlgal ka dhan ah maleeshiyada Shabaabka ee ku sugan Degmada Aadan Yabaal.

Ciidamada Militariga iyo Macawiisleyda oo Axaddii ka soo gudbay xuduudda Gobolka Hiiraan ayaa gudaha u soo galay Gobolka Shabellaha Dhexe, iyagoona saacado gudahood ku kubaareeyay Degmada Aadan Yabaal, oo Shabaabku ay dagaal culus kula wareegeen bishii April 16-keedii.

Ciidamada oo iminka ku sugan afaafka hore ee Aadan Yabaal ayaa weerarka ay ku qaadeen degmadaasi uu ka dambeeyay, ka dib markii Shabaabku ay Sabtidii weerar culus ku ekeeyeen nawaaxiga deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, kuna dhow xuduudda labada gobol ee Hirshabelle.

Inkastoo Shabaabka ay ku jabeen dagaalkii Ceel-hareeri, haddana Saraakiisha Militariga ayaa ka war helay in Shabaabku ay mar kale weerar ku soo yihiin deegaankaasi, taas oo keentay in iyaga lagu weeraro aagga Aadan Yabaal.

Madaxweynaha Hirshabelle oo Saraakiisha Ciidamada kula kulmay deegaano ay ka mid tahay Wargaadhi oo qiyaastii 70km u jirta Degmada Cadale ayaa shacabka reer Hirshabelle iyo ciidamadaba ku ammaanay inay qoreen taariikh cusub.

“Xaq u dirirka shacabka Hirshabelle ee ku kala sugan Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe iyo Ciidamada Qalabka Sida, waxay muujiyeen diiwaan ku cusub Somaliya, mana jirto awood tan la mid ah oo taariikhda Khawaarijta ku qabsatay dagaalka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha Ciidamada la wadaagay in la qaadi doono guluf dagaal oo ka dhan ah kooxaha argagixisada.

“Hirshabelle waa ay ka gudbi doontaa waqtigan adag, waxaana ay reebi doontaa taariikh badbaado u ah Soomaalida oo dhan.” Ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc