Home Wararka Caalamka Keir Starmer oo si adag uga hadlay xasuuqa Israel ka waddo Marinka Gaza

Keir Starmer oo si adag uga hadlay xasuuqa Israel ka waddo Marinka Gaza

by Laacib

Keir Starmer, Raysal Wasaaraha Ingiriiska ayaa maanta sheegay in uu aad uga argagaxay ciqaab wadareedka ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka u sheegay in Hoggaamiyeyaasha UK, Faransiiska iyo Canada ay ka argagaxeen kororka weerarada Israel ee Gaza.

“Waxaan rabaa in aan maanta diiwaangeliyo in aan ka naxsanahay kororka weerarada Israel.” Ayuu Raysal Wasaaruhu u sheegay Baarlamaanka, ka dib markii xafiiskiisa uu sii daayay bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Madaxweynaha Faransiiska iyo Raysal Wasaaraha Canada, Mark Carney oo lagu dalbanayay in la kordhiyo kolonyada gargaarka ee gelaya Gaza.

Israel ayaa Isniintii ogolaatay in shan gaari oo gargaar sida ay taggaan Marinka Gaza, taasoo Qaramada Midoobey ay ku sheegtay dhibic badda ku dhacday oo kale, marka loo eego gaajada daran ee ka jirta Gaza.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska ayaa ka soo horjeestay ku dhawaaqidda Israel, ee ah in cunto kooban oo aasaas ah ay ogolaaneyso in la geeyo gudaha Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in aysan ogolaan karin heerka gargaarka ee Israel ogolaatay, oo gebi ahaanba aan ku filneyn buu yiri dadka, isagoona carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la helo gargaar ku filan dadka rayidka ah.

“Ma ogolaan karno in dadka Gaza ay gaajo u dhintaan.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo mar kale ku baaqay baaqooda ah in xabad joojin laga sameeyo Gaza oo dhan.

“Waxaan ku celinaynaa dalabkayaga xabad joojinta, oo ah habka keliya ee lagu sii deyn karo la haysteyaasha iyo in sare loo qaado gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Starmer.

Mr. Starmer ayaa intaasi ku daray “Waxaan ku celinaynaa diidmadayada deegaameynta Israeliyiinta looga sameynayo Daanta Galbeed.”

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu yiri “Marka waa inaan isku dubaridnaa jawaabtayada, sababtoo ah dagaalkani wuxuu socdaa muddo aad u dheer, umana ogolaan karno dadka Gaza inay gaajoodaan.”

Dowladda uu Starmer hoggaamiyo ayaa lagu wadaa in ay qaaddo tallaabooyin ka dhan ah Israel iyo Israeliyiinta xagjirka ah ee weerarada ka gaysanaya Daanta Galbeed ee Israel xoogga ku haysato.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc